Xogta dhex-dhexaadinta FARMAAJO iyo ROOBLE ee xalay iyo waxa kasoo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble.

Dadaallada ayaa waxaa wada madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo xalay kulamo duwan la yeeshay labada mas’uul.

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa kulankii ugu horreeyey oo saacado badan qaatay la yeeshay ra’iisul wasaaraha, waxaana la sheegayaa in illaa iyo hadda aanay wax natiijo ah oo la taaban karo kasoo bixin kadib saacado ay wada-hadlayeen.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay Ra’iisul Wasaaruhu uu wali mowqifkiisa iyo go’aamadii hore ku adkeysanayo, maadaama uu mas’uul ka yahay amniga iyo siyaasadda dalka, sababtuna ay tahay in Farmaajo ay sharciyaddii ka dhacday.

Qodobada Rooble ku adkeysanayo ee uu sheegay inaanay jirin meel uu uga laabto ayaa waxaa ka mid ah ah; shaqo ka ceyrinta Fahad Yaasiin, in Bashiir Goobe uu yahay taliyaha NISA, in Cabdullaahi Maxamed Nuur uu yahay wasiirka amniga, iyo in kiiska Ikraan Tahliil ay baarto maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo kuwii ay ku caddaatana sharciga la mariyo.

Dhinaca kale Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa sidoo kale xalay kulan la qaatay Farmaajo, balse weli lagama hayo wax faah-faahin ah.

Si kastaba, waxaa horey loo ogaa in Farmaajo uu raali ka yahay xil ka qaadista Fahad, balse uu doonayo in kiiska Ikraan Tahliil aan la baarin oo halkaas lagu damiyo, qoyskeedana diyo la siiyo. 

Ma cadda sababta Farmaajo uu caddaalad ugu diidan yahay gabadhaas yar ee la dulmay, balse waxaa jira tuhun ah in kiiska uu dhallin karo fadeexad weyn, oo isaga taaban karta.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa diidan xil ka qaadista wasiirka amniga Xasan Xundubey, balse waxaa suurta-gal ah inuu aqbali karo in Bashiir Goobe uu noqdo taliyaa NISA, qodobkaas oo la fahamsan yahay inaanu sidaas ugu adkeyn.