Saciid Deni oo digniin culus diray – Maxaa soo kordhay?

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka ayaa digniin culus u diray ciidamada ammaanka maamulkaasi iyo kuwa kale ee ka howl-gala ee dalka.

Deni ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada looga baahan-yahay inay ka shaqeeyaan sugida amniga, isaga oo uga digay inay ku milmaan arrimaha siyaasadda ee dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Soomaaliyeed laga rabo inay dhex dhexaad ka noqdaan siyaasadaha is diidan iyo muranada u dhexeeya siyaasiyiinta.

“Ciidamada waxaan uga digay inay ku milmaan Siyaasadda” ayuu yiri Deni xilli uu ciidamo ka tirsan kuwa Puntland kula hadlayey waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ciidamada in aysan u kala eexan xubnaha musharixiinta ah ee u tartmaya kuraasta labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dalka uu jiro xaalad adag oo kala guur ah iyo sidoo kale doorashooyin guud oo isugu jira mida baarlamaanka & tan madaxweynaha.

Si kastaba horay musharixiinta mucaaradka ayaa horey uga digay in ciidamada qalabka sida loo adeegsado arrimo siyaasadeed, si ay u fara-gelinayaan doorashooyinka.