Soomaaliya ‘oo heshay waddamo hub diyaar ula ah’ kadib go’aankii QM

New York (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Cisman Baalle ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay go’aankii Golaha Ammaanka ee cunqabatayenta hubka looga qaaday Soomaaliya, kadib muddo 31 sano ah.

Abuukar Baalle ayaa shaaca ka qaaday in go’aankaas uu ahaa mid taariikhi ah oo waqti badan la sugayay, isla markaan u muhiim u ah guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Danjiraha ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan waddamo badan oo haatan Soomaaliya diyaar ula ah inay siiyaan hub casri ah, taasna ay ku timid qaadista cunaqabateynta hubka.

“Waddamo badan oo asaxaab nahay ayaa jiro oo diyaar u ah inay hub siiyaan dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa jira waddamo kale oo ka ganacsada hubka oo laga soo iibsan karo” ayuu yiri danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markii hore ay caqabaddu ka jirtay cunaqabateynta, maadaama Soomaaliya aan loo ogoleyn hubka waa weyn, haddase laga gudbay.

“Cunaqabateyntu waxay ahayd qof walba oo raba inuu wax kusiiyo kuma siin karin oo waxa uu ka baqaayay UN-ka iyo is daba socodka inuu dhib uga yimaado” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu meesha ka saaray walaaca laga qabo in hubkan loo fasaxay Somalia uu gacan galo cid kale, isaga oo sheegay inuu jiro nidaam loo diyaariyay xakameyntiisa.

“Walwalka ah hubka inuu iska soo galo waddanka waxaas ma’aha wax laga walwalo, waxaa diyaarsan system lagula soconaayo dhaq-dhaqaaqa guud” ayuu mar kale yiri Mr. Baalle.

Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku guulaystay in laga qaado cunaqabateynta muddada dheer saarnay, taas oo kusoo aaday, xilli ay dowladda dagaal kula jirto Al-Shabaab.