Soomaaliya oo Kenya kaga adkaatay codeyn xalay ka dhacday Addis-Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa Kenya xalay mar kale kaga adkaatay codeyn ka dhacday golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo la xiriirtay muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Golahan ayaa ka hadlayey soojeedin ka timid dalka Kenya oo la xiriira in Afrika dhexgasho oo heer Afrikaan ah lagu xaliyo khilaafka iyo muranka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Soomaaliya ay diiday soo jeedinta Kenya, kuna adkeysatay in laga warsugo go’aanka maxkamadda cadliga adduunka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr oo kullanka khudbad ka jeediyay ayaa golaha u sheegay in dacwadda Kenya iyo Soomaaliya ay muddo shan sanno ah hortaal Maxkamadda xilligaan in golaha la horkeenana ay tahay wax lagu mushquulinaayo doodda maxkamada.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in marnaba aysan dowlada Soomaaliya ka laaban doonin dacwadda Badda ee hortaalla Maxkamadda Caddaalladda adduunka ee ICJ.

Golahan oo ka kooban 15 dal, ayaa codbixin ay qaadeen oo ku saabsan in ururka Midowga Afrika uu dhex-galo xiisaddan iyo in kale, ayaa Kenya waxaa ka raacay fashil weyn kadib markii ay guul ku gaari weysay codeynta.

Kenya ayaa u baahneyd inay raacaan 8 dal, hase yeeshee waxa ay heshay 6 cod, halka Soomaaliya ay ka heshay 7 cod. Hal dal ayaa ka maqnaa, halka dalka Morocco uu go’aan dhex-dhexaad qaatay.

Horay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa midowga Afrika ugu gudbiyey qoraal ah: in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay maxkamadda cadliga, isla markaana ka war sugayaan.

Kenya ayaa waxaa ay wadaa cadaadis walbo oo looga hortagayo in doodda ay ka bilaabato ICJ 9-ka bishan, laakin Soomaaliya ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in halkaas la tago, laguna qanco natiijada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com