Soomaaliya oo ku biiri rabta Ururka Ganacsiga Adduunka

Geneva (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii ay xubin rasmi ah uga noqon lahayd Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa magaalada Geneva u jooga ka miro-dhalinta arrintan, iyagoo halkaasi kula kulmay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), Dr. Ngozi Okonjo-Iweala.

Kulankan ayaa daba socday wada-hadalladii bilowga ahaa ee Isniintii dhexmaray Soomaaliya iyo WTO, kuwaas oo lagu furay hannaanka ay Soomaaliya uga mid noqonayso ururkan caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladda uga go’an tahay in hannaankan laga miro-dhaliyo, si Soomaaliya ay xubin rasmi ah uga noqoto WTO.

Dr. Ngozi Okonjo-Iweala ayaa dhankeeda ballan-qaaday in ururku siin doono Soomaaliya taageero farsamo, si ay ugu guuleysato hannaanka xubinnimada ururka.

Wada-hadalladan oo ay Soomaaliya muddo sugaysay ayaa muhiim u ah dadaallada dalka ee lagu horumarinayo iskaashiga ganacsi iyo kobcinta dhaqaalaha.

Ku biirista WTO waxay Soomaaliya u sahlaysaa helitaanka suuqyo ganacsi oo caalami ah, xoojinta maalgashiga shisheeye, iyo fududeynta ganacsiga caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa horay uga mid noqotay ururrada goboleed sida East African Community (EAC) iyo Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA), kuwaas oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.

Sidoo kale sanadkan 2025, Soomaaliya waxay xubin rasmi ah ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo muujinaysa doorka firfircoon ee dowladda Soomaaliya ay ka ciyaarayso arrimaha caalamiga ah.