SOOMAALIYA oo la daala dhaceysa 4 dhaqan oo horey u dumiyay dowladnimada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Soomaaliya gudaheed weli laga cabanayo dhaqannadii horey u dumiyay dowladnimada.

Waxa uu sheegay in colaaddii sokeeye ee ka dhalatay burburkii dowladda ay ina dhaxal-siiyey bulshadii oo kala aamin baxday, sidoo kalena dowladnimadiina ka aamin baxday.

Cabdiraxmaan ayaa si gaar ah u xusay afar dhaqan oo gees kasta oo Soomaaliya deggan tahay laga cabanayo, kuwaasi oo kala ah;

  1. Takrifal awoodeed
  2. Eex iyo qaraabakiil
  3. Musuq-maasuq
  4. Kartidii oo laga hormariyey guul-wadayn

Sidoo kale waxa uu sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee dowlad dhiska ku hor-gudban xilligaan ay tahay “in aan doonayno in aan ku dhisno dhaqankii horey u dumiyey.”

“Shacabkuna wuxuu ku dhex haftay caadhifad iyo xamaas qabyaaladeed oo caqli-gal ahayn, caaqibo ka fiirso lahayn, dantoodana ka fog,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxa uu intaasi kusii daray “Ilaa aan ka dayno wixii dumiyey, dadkuna qabyaaladda ka miirsadaan way adkaanaysaa in dawladi dhisanto, gobbonimadii iyo madax-bannaanidii qaran soo noqoto, aragagexisada iska dhicino, faragelinta shisheeyahana iska joojino.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay afartaasi dhaqan iyo kuwa kale oo ka hoos farcama ay caqabada ku yihiin dowlad-dhiska iyo in uu dalkeenna la tartamo dalalka kale ee dunida.