Soomaaliya oo laga helay macdan aan horey loo arag

Cilmi-baarayaal u dhashay dalka Canada (Kanada) kana tirsan jaamacdda “University of Alberta” ee gobolka Calgary ayaa shaaca ka qaaday inay ka heleen laba macdan oo aan hore dhulka loogu arag muunad (sample) dhagax dhan 70-gram oo laga soo qaaday cirkasoodhac (meteorite) laga helay miyiga Soomaaliya.

Dadka dhagaxyada qaaliga ah baadiggooba ayaa Sebtembar 2019 aqoonsaday dhagax cajiibka ah, kaddibna u diray gabal ka mid ah dalka Kenya si loo baaro. Haseyeeshee, sheekada dhagaxa  dhifka ah ayaa sii fiday kaddib markii saraakiisha amniga Dowladda Federaalka ah (DFS) ay gacanta ku dhigeen.

Cirkasoodhacyo samada kore maalin kasta ayay meel kaga dhacaan dhulka, inkastoo waxa toboneeya tan ka badan ay dhif yihiin. Badanaaba waa dhagax u eg kuwa dhulka amaseba waa wax ka kooban bir iyo birlab soo jiidata birta (Magnetic).

Cirkasoocyada weli lama hayo cid dhaqaale ahaan ka faa’iidday, waxayse leeyihiin ahamiyad cilmiyeed oo wax ka sheegi kara waxa ay merayaasha iyo xiddigayadaba ka samaysan yihiin.

Dooxada Ceel Cali oo ka tirsan maamul-goboleedka Hirshabeele ayaa laga helay cirkasoodhaca cajiibka ah. Ceelku waxuu Muqdisho ka xigaa dhanka waqooyi, masaafo dhan 200 kilomitir. 

Inkastoo dhagaxa uu soo gaaray cilmi-baarayaasha laba sano ka hor (2020), haddana suugaanta deegaanka ayaa muujinaysa inuu ka fac weyn yahay shan jiil. Xoola dhaqatada dooxada Ceel Cali ayaa dhagaxa oo ka sameysan 90% bir iyo birlab (iron and nickel), u isticmaala mindi afeysi.

Dhagaxa oo culayskiisa lagu qiyaasay 16.5 tan ayaa ah cirkasoodhicii sagaalaad ee ugu weynaa ee abid la helo. Culamada adduunka ayaa rumaysan in cirkasoodhacyada ay yihiin waxyaabo ka badbaaday dhexmarka jawiga dhulka oo in yarna uun ka soo gaaraan dhulka.

Baarista ayaa waxaa kaloo lagu helay macdan seddaxaad oo aan la aqoon, balse dib loo eegayo. In la aqoonsado labada macdan ee hore waxaa suurtogeliyay culumo Faransiis ah oo 80yadii farsameeyay maado aan dabiici ahayn balse u dhaw macdanta (mineral) cusub.

Mar kasta oo la helo walxo (iskudhis kiimikeed) cusub oo aan hore loo aqoon, cilmi-baarayaashu waxay danayaan anfacooda bulshada, ayuu warsaxaafadeed ku yiri Prof. Chris Herd oo ka tirsan “Department of Earth and Atmospheric Sciences” ahna ilaaliyaha kaydka cir ka soo dhacyada jamacadda Alberta.

Macdanaha (Minerals)oo loo bixiyay “elaliite and elkinstantonite” ayaa waxaa loogu kala magacdaray goobtii laga helay (El Ali) iyo Prof. Lindy Elkins-Tanton oo ka tirsan Arizona State University’s School of Earth and Space Exploration. Lindy oo khabiirada NASA ka mid ah ayaa shaqo badan ka qabatay sida xudunta meerayaasha u hawlgalaan.

Prof. Herd oo la tashigiisii Dr. Andrew Locock oo maamula “electronic microprobe lab”-ka jaamacadda kana mid ahaa khubaro ku lug lahayd sifaynta (descriptions) macdano kale oo aan hore loo aqoon ayaa yiri, “Haddii la heli lahaa muunado intaa ka badan waxaa laga yaabi lahaa in la helo macdano kale”.

Suuraggal maaha in la ogaado qiimaha dhagaxa, balse Prof. Herd oo in ku dhaw toban sanadood la weydiisanayay inuu kala soocdo dhagaxyada cir ka soo dheca ayaa sheegay inay heleen war sheegaya in dalka Shiinaha looga raadinayo iibsadayaal.

Dadaalka lagu helay macdanta cusub waxaa ka qaybgalay jaamacadaha Mareykanka ee UCLA – University of California – Los Angeles iyo California Institute of Technology. Cilmi-baarayaasha ma sheegin cidda la soo xiriirtay, balse Jaamacdda “University of Alberta” ayaa caan ku ah kala sooca dhagaxyada cir ka soo dhaca.

Natiijooyinka cilmi-baarista ayaa November 21 ilaa 22, 2022 lagu soo bandhigay carwada jawiga ee jaamacada Alberta “university’s Space Exploration Symposium”. Inkastoo, aan la hubin mustaqbalka haddana macdanta cusub waxay noqotay wax lala yaabo oo u muuqata in dunida ay aad danaynayso.

Isha: Jamhuriyadda