25.5 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Soomaaliya oo maanta gaartay guul taariikhi ah kadib markii loo doortay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaartay guul taariikhi ah kadib markii loo doortay Ku-xigeenka Guddoomiyaha (Co-Chair) ee Madasha Caalamiga ah ee Guryeynta ee UN-Habitat.

Doorashadan ayaa dhacday intii lagu guda jiray kal-fadhiga labaad ee Madasha Furan ee Dowladda Dhexe ee hoos timaada Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Deegaamaynta iyo Magaalooyinka, kaasi oo ka qabsoomay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Intii uu socday shirkan, Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu doortay Ku-xigeenka Guddoomiyaha ee Madasha Caalamiga ah ee Guryeynta. Doorashadan ayaa loo arkaa guul taariikhi ah oo muujinaysa kaalinta sii kordheysa ee dalka ee dhanka guryeynta, dib-u-dhiska iyo qorsheynta magaalooyinka waara.

Doorashadaasi ayaa ku soo beegantay xilli dowladda Soomaaliya ay dadaallo xooggan ku bixineyso soo celinta adeegyada aas-aasiga ah ee magaalooyinka iyo hirgelinta qorshayaal guryo jaban loogu talagalay bulshada danyarta ah iyo barakacayaasha gudaha dalka.

Shirka oo lagu qabtay xarunta dhexe ee UN-Habitat ee Nairobi ayaa sidoo kale lagu lafa guray sidii dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay u xoojin lahaayeen iskaashiga maalgashiga guryaha, dhismaha guryo la awoodi karo, iyo qorshayaasha waara ee magaalooyinka.

Azerbaijan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Madasha, iyadoo Soomaaliya la wadaagi doonta hoggaanka mudada 2025–2026. Kahor, xilkan waxaa hayay dalalka Kenya iyo Faransiiska.

Madashan ayaa door muhiim ah ka qaadata hirgelinta siyaasadaha caalamiga ah ee guryaha, iyadoo taageerta mideynta dadaallada dowladaha xubnaha ka ah si loo xaqiijiyo guryo ammaan ah, waara, oo la awoodi karo qof walba.

- Advertisement -

Read more

Local News