Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay guddi caalami ah

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku biirtay guddiga fulinta cimiladda Maaliyadeed ee Adduunka. Guddigan ayaa waxaa Soomaaliya si diirran ugu soo dhaweeyay ku biiritaanka xubnaha guddiga oo ka kooban illaa lix xubnood.

Kamid noqoshada guddiga ayaa lagu shaaciyay munaasabad wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Makhzumi ay kaga qeyb gashay Imaaraadka Carabka, shir looga hadlaayay isbedelka cimilada iyo caqabadaha xilligaan ka jira dalka ee ku aadan helida dhaqaalaha cimilada.

Wasiiradda ayaa waxay iftiimisay caqabadaha adag ee ay Soomaaliya kala kulanto helista dhaqaale ku filan cimilada, waxa ayna la wadaagtay qorshayaasha hiigsiga leh qaranka ee ku wajahan tijaabooyinka isbedel doonka ah.

“Howl-wadeennada Maaliyadda Cimilada, oo ay Soomaaliya ku jirto, waxay diyaar u yihiin inay sameeyaan tallaabooyin wadajir ah oo dib loogu qaabeynayo muuqaalka Maaliyadda cimilada adduunka.”

Wada-shaqeyntan ayaa waxay ujeedadeedu tahay in la jebiyo caqabadaha, in la kobciyo hal-abuurnimada iyo in la sameeyo xalal wax-qabad leh oo waddamada wajahaya caqabadaha cimilada u noqda samata-bixin.

Soomaaliya ayaa waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saameysa arrinta isbeddelka cimilada, waxaana tusaale u ah dadkeenna haatan la tacaalaya daadadka ka dhashay duufaanta El-Niño, waa kuwii kal hore ka soo gudbay abaartii ku habsatay dalka.