Daawo: Muranka ka taagan BF oo xoogeystay iyo Jeesow oo shaaciyay khalad weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka hadlay kulankii maanta ee Baarlamaanka ayaa sheegay in qaladaad badan uu ku jiro xisaab xirka miisaaniyada dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, kaasi oo muran xooggan uu kua taagan yahay.

Jeesow ayaa sheegay in qaladaadka ku jira xisaab xirka uu kow ka yahay in uusan ku cadeyn ama laheynba saxiixii hanti-dhowrka iyo lifaaqiisa, islamarkaana uusan u qorneyn buugga xisaab xirka hanaan qoraaladeed la fahmi karo, uuna qoray qof deg-degsan.

“Maanta haddaan guddoomiye Baarlamaan ahaan lahaa ma qabteen sharcigan, guddoomiyaheen isaga haddii warqad yar lasoo qoro waa iska qabanayaa, sharcigaan ma fur-furna lamana fahmayo,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow.

Sidoo kale waxa uu xusay in xisaab xirka uusan si qayaxan u sheegayn faah-faahinada kharashaadka dhaqaale, “Wax lifaaq ah oo buugga xisaab xirka ah ku jira oo la tixraaci karo ma lahan.”

“Xataa magaca dowlad-goboleedka Puntland waa qaldeen oo si qaldan ayuu u qoran yahay, marka waxaa mooda in xisaab xirkaan qof deg-degsan inuu qoray ayaa mooda, in baarlamaanka golihiisa la keeno ma aheyn wax qof deg-degsan qoray.”

Xildhibaanka ayaa waxa uu dalbaday in dib loo celiyo xisaab xirka miisaaniyada, ayna wasaaradda dib usoo fur-furto oo kharashaadka ku qoran si la fahmi karo loo faah-faahiyo, oo ay duuduub u liqi karin.

“Waxaad mooda in duuduub u liqa nala leeyahay, uma liqi karno waa liqi weynay oo kuwii kaa horeeyay ayaa liqi weynay kuwaana ma liqi karno. Buugan ha la soo fur-furo wax walba.”

Hoos ka daawo muuqaalka