Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay dib-u-hawlgelinta heshiis amni oo muddo soo jirey, kaasi oo Mareykanka u ogolaanaya inuu isticmaalo dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee dalka.
Tallaabadan ayaa u muuqata mid Muqdisho ay ku doonayso inay Washington u xaqiijiso inay tahay lammaanaha rasmiga ah ee dhanka amniga, maalmo uun kadib markii maamulka Somaliland uu dhankiisa soo bandhigay yabooh la mid ah kan dowladda dhexe.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo la hadlayay wakaaladaha wararka ayaa xaqiijiyay jiritaanka heshiis is-faham oo soo jirey.
“Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa ka dhaxeeya qaab-dhismeed iskaashi oo soo jireen ah, kaas oo ay ku jirto heshiiskii 1980-kii ee ogolaanayay in milateriga Mareykanku isticmaalo dekedaha iyo garoomada Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in Xukuumadda Muqdisho ay dhowaan Washington u bandhigtay in heshiiskaas dib loo cusbooneysiiyo, isagoo ku tilmaamay “jidka kaliya ee sharciga ah ee loo mari karo iskaashi amni oo dhexmara labada dal,” tallaabadaas oo lagu macneeyay mid lagu ilaalinayo madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Somaliland—oo ah maamul gooni-u-goosad ah oo ku dhawaaqay madaxbannaanidiisa 1991-kii—kuwaas oo sheegay inay diyaar u yihiin inay Mareykanka siiyaan saldhigyo ciidan iyo xuquuq gaar ah oo la xiriirta khayraadka dabiiciga ah, si ay u helaan aqoonsi caalami ah.
Loolanka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Hargeysa ayaa cirka isku shareeray bilihii lasoo dhaafay. Bishii December, Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, tallaabadaas oo ay si adag u diiday Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay dhaleeceeyeen qaar kamid ah dalalka gobolka oo ku celiyay taageerada ay u hayaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Yabooha iska soo horjeeda ee ka imaanaya labada dhinac ayaa muujinaya ahmiyadda istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika, oo ah gobol ku yaalla marinka muhiimka ah ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Marinkan oo ay maraan qeyb weyn oo kamid ah ganacsiga caalamiga ah ayaa noqday mid ay ku loolamaan quwadaha waaweyn ee daneynaya amniga badaha iyo la dagaallanka argagixisada.
Mareykanka ayaa haatan saldhiggiisa ugu weyn ee Afrika (Camp Lemonnier) ku leh dalka Jabuuti, halkaas oo ay sidoo kale saldhigyo ku leeyihiin Shiinaha iyo quwado kale oo Reer Yurub ah, kuwaas oo ka qeyb qaata howlgalada la dagaallanka burcad-badeedda.
Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in dalabyadan cusub ay dib usoo nooleynayaan qaab-dhismeedkii xilligii Dagaalkii Qaboobaa, markaas oo Mareykanku uu galaangal u raadinayay ilaalinta marin-biyoodyada istiraatiijiga ah ee Bariga Dhexe iyo Badda Cas.

