Soomaaliya oo Mareykanka u bandhigtay in heshiiskii 1980-kii dib loo cusbooneysiiyo

Antalya (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu soo bandhigtay Dowladda Mareykanka inay isticmaasho saddex ka mid ah dekedahaheeda ugu muhiimsan dhanka istiraatiijiyadda – Muqdisho, Kismaayo, iyo Berbera – tallaabadan oo qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal iyo sidii Washington looga leexin lahaa inay aqoonsato sheegashada madaxbannaanida Somaliland.

Cali Maxamed Cumar, wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa wareysi uu siiyay TRT World ku xaqiijiyay in dowladdiisu ay soo jeedisay in dib loo cusbooneysiiyo heshiis militari oo Mareykanka lala galay xilligii Dagaalkii Qaboobaa.

Heshiiskaas asalka ahaa, oo la saxiixay sannadkii 1980-kii xilligii Madaxweyne Jimmy Carter, ayaa ciidamada Mareykanka u oggolaanayay inay isticmaalaan dekado iyo garoomo diyaaradeed oo Soomaaliya ku yaalla, oo uu ku jiro saldhigga militariga ee Berbera.

“Waxaan hadda Mareykanka ka codsanay inay cusbooneysiiyaan heshiiska si ay weli u sii isticmaali karaan saddexdaas dekedood—haddii ay kuwa kalena u baahdaanna, way isticmaali karaan,” ayuu yiri Cumar. “Waa tallaabo istiraatiiji ah oo aan ugu soo dhowaaneyno Mareykanka, sababtoo ah Ameerika aad ayay muhiim ugu tahay dagaalka aan kula jirno al-Shabaab. Waxaan u baahanahay taageeradooda, haddana way na caawinayaan.”

Soo jeedintan ayaa timid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ku saabsan Somaliland, jamhuuriyadda iskeed isku magacawday ee ku taalla waqooyi-galbeed Soomaaliya, taasoo si madax bannaan u shaqeyneysay tan iyo 1991-kii balse aan haysan aqoonsi caalami ah.

Warbaahinta Mareykanka ayaa dhowaan warisay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu warqad u diray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, isagoo ka codsanaya in Mareykanku uu la wareego kormeerka dekadaha iyo garoomada diyaaradaha ee Berbera iyo Boosaaso, taasoo beddelkeeda uu Mareykanku ballanqaadayo inuusan aqoonsan doonin Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxay su’aalo ku saabsan suurta-galnimada hirgelinta soo jeedinta Soomaaliya. Dowladda federaalku hadda ma maamusho dekadda Berbera, oo ay maamusho Somaliland, sidoo kalena ma maamusho Kismaayo, oo ah xarunta dhaqaalaha ee maamul goboleedka ismaamulka ah ee Jubbaland. Labada dhulba waxay Muqdisho la leeyihiin xiriir xaddidan ama aan wanaagsanayn.

Ergeygii hore ee Gaarka ahaa ee Mareykanka u qaabilsanaa gobollada Saaxil iyo Harooyinka Waaweyn, ahna taageere weyn oo Somaliland ah, J. Peter Pham, oo xiriir dhow la leh Trump, ayaa dhaliilay soo jeedinta. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay soo bandhigayso maamulka dekado aanay xukumin, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay “aflagaaddo ku ah garaadka dadka Mareykanka.”

Isla wareysigaas uu siiyay TRT, Wasiir Cumar wuxuu ku nuux-nuuxsaday muhiimadda juquraafi-siyaasadeed ee ballaaran ee goobta istiraatiijiga ah ee ay Soomaaliya kaga taallo xeeb ahaan iyo doorkeeda ku aaddan istiraatiijiyadda amniga ee Mareykanka iyo xulafadiisa.

“Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika,” ayuu yiri. “Xiriirka aan la leenahay Mareykanka aad ayuu u xooggan yahay. Waxay naga taageeraan la dagaallanka al-Shabaab ee koonfurta iyo Daacish ee waqooyiga.”

In kasta oo Washington aysan weli si rasmi ah uga jawaabin soo jeedinta ku saabsan dekedaha, haddana dowladda Soomaaliya waxay sii waddaa dadaalladeeda ku aaddan xoojinta madaxbannaanida qaranka, qotodheeraynta iskaashiga caalamiga ah, iyo ka hortagga wax kasta oo horumar diblomaasiyadeed ah oo sharciyad siin kara ololaha madaxbannaanida Somaliland.