Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan dheer kasoo saartay safarka taariikhiga ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta KMG ee SSC-Khaatumo.
Ra’iisul Wasaare Xamza iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa 12-kii illaa 15-kii bishaan booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Laascaanood ee caasimadda maamulka SSC-Khaatumo, booqashadan ayaa looga gol lahaa xoojinta nabadda, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisu intii uu joogay magaalada Laascaanood wuxuu kulammo kala duwan la yeeshay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, Golaha wakiillada, Isimada Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhalinyarada, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxayna isla qaadaa dhigeen xaaladda deegaannada SSC-Khaatumo.
Xamza ayaa bogaadiyay sida ay reer SSC-Khaatumo uga go’an tahay ka shaqeynta nabadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu soo dhaweeyay sida mugga iyo milgaha leh ee ay maamulka, shacabka iyo ciidammada SSC-Khaatumo uga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo u adeegidda bulshada.
“Maamulka iyo shacabka SSC-Khaatumo waxay si buuxda u taageereen dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed kula jiraan argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.
Xukuumadda Soomaaliya waxa ay bogaadisay amniga, xasilloonida iyo kala dambaynta ka jirta deegaanada maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo xukuumadda federaalka iyo maamulka SSC-Khaatumo ay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan arrimaha dib u habaynta iyo horumarinta ciidamada SSC-Khaatumo, iyadoo la waafajinayo hannaanaka amniga qaranka.
“Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu taageeray barnaamijka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dadaallada xukuumadda Dan-Qaran ee dowlad-dhiska, horumarinta, nabadda, midnimada ralka, dimoqraadiyeynta iyo xaqiijinta xaqa muwaadinka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, waxaa bayaanka lagu sheegay in xukuumadda federaalka iyo maamulka SSC-Khaatumo ay isla garteen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo tixraacaysa go’aankii 6dii February 2023 ee isimada dhaqanka iyo waxgaradka SSC-Khaatumo, go’aankii ay DFS ugu aqoonsatay maamul kumeel gaar ah 19kii Oktoobar 2023, waxa ay u kuur gashay arrimaha dib u dhiska maamulka SSC-Khaatumo, iyo wadajiraka dadkeeda, ka dib markii ay xaqiijiyen ka go’naanshaha dadka reer SSC-Khaatumo ee dhismaha hay’adaha dowladdaimada.”
Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran: