Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaabatay diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha, xilli uu weli taagan yahay muranka hanaanka doorasho ee Villa Somalia ay gadaal ka riixeyso.
Diiwaan-gelinta la bilaabay ayaa ah tallaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd billaabashada doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka, kuwaas oo guddiga doorashooyinka qaranka uu shaaciyay inay bilaabaneyso bisha Juun.
Degmada Shangaani ayaa noqotay degmadii u horreysay ee saaka lagu daahfuro is-diiwaangalinta codbixiyayaasha, waxaana safar dhaadheer u galay dadweyne fara badan oo la yimid xaafadaha Shingaani, dadkiinis diiwaangelinaya waxay isugu jiraan la shacabka degmada, maamulka iyo mas’uuliyiin badan oo degmada ku nool.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir ayaa noqday mas’uulkii u horreeyay oo maanta is-diiwaangeliyay, si u qaato kaarka codbixiyeyaasha.
Degmooyinka kale ee gobalka Banaadir ayaa iyaguna maalmaha soo socda marti-gelin doona is-diiwaangalinta oo soconaysa illaa laga gaaro maalinta codbixinta doorashada.
Sida ku cad xeerarka doorashada, waxaa la qorsheynayaa in ay doorashada golayaasha deegaanka ka qabsoomaan; Banaadir, SSC Khaatumo, HirShabelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug, iyadoo maamulka Juballand oo billowgii heshiisyadan qeyb ka ahaa uu mar dambe isaga baxay kadib khilaaf siyaasadeed oo doorashada iyo hannaankeeda ka dhashay.
Arrimahan ayaa imanaya xilli ay siyaasiyiinta mucaaradka meel adag iska taageen hanaanka doorashada qof iyo cod, taas oo uu weli ku adkeysanayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka mucaaradka u arkaan mid laga leeyahay dano xukun dheereysi.