Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah ula wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu caddeeyay war-murtiyeed kasoo baxay socdaalkiisii SSC.
Maxaabiistan waxaa Dowladda Federaalka lagu wareejin doonaa Maamulka SSC-Khaatumo, kaddib wadatashi lala yeeshay golayaasha maamulka. Maxaabiistan ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin duruufo gaar ah, sidaas darteedna loo baahday in loo celiyo qoysaskooda.
“Iyadoo la tixgelinayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayuu Maamulka SSC-Khaatumo, oo la tashaday golayaasha maamulka, ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo ka mid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dad reer SSC-Khaatumo ah, kuwaas oo leh duruufo gaar ah,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
Waxa intaas lagu sii daray bayaanka: “Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ayey ugu celin doontaa maxaabiistan ehelkoodii, iyagoo badqaba.”
Tirada maxaabiista ee lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa la filayaa inay qeyb ka tahay qorshe maxaabiis isdhaafsi ah oo u dhexeeya Somaliland iyo SSC-Khaatumo, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn dhaqan-galka qorshahan.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka ayaa Maamulka SSC-Khaatumo si rasmi ah ugu aqoonsatay dowlad-goboleed, ayna noqoto xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo deegaanadooduna ay yihiin qeyb aan muran ku jirin oo ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.