Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga bilaaabatay diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha, xilli uu weli taagan yahay muranka hanaanka doorasho ee Villa Soomaaliya ay gadaal ka riixeyso.
Degmada Shangaani ayaa noqotay degmadii u horreysay ee saaka lagu daahfuro is-diiwaangalinta codbixiyayaasha, waxaana safar dhaadheer u galay dadweyne fara badan oo la yimid xaafadaha degmadaas, kuwaas oo isugu jiro shacab iyo mas’uuliyiin.
Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan oo goobta kula hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay reer Muqdisho u dareeraan goobaha is diiwaangelinta una diyaar garoobaan qof iyo cod.
“Aniga oo ah guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka waxaan aad ugu faraxsanahay maanta in dadka gobolka Banaadir ay u dareeraan inay is diiwaangeliyaan, si ay u doortaan madaxdooda golaha deegaanka” ayuu yiri Cabdikariin.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in maanta ay diiwaangelinta usoo baxeen dadkii ugu badnaa, taas oo muujineyso sida ay doorashada ugu bisil yihiin shacabka.
“Dad fara badan ayaa yimid lambarka aan fileynay lambar ka badan ayaa yimid, waana billow” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka.
Dadka is diiwaangeliyay waxaa ku jira mas’uuliyiin sar sare, waxaaana ugu horreeyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir ayaa noqday oo qaatay shahaada diiwaangelinta codbixiyeyaasha, wuxuuna farriin u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed.
“Waxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladan ka codsaneynaa in ay is diiwaangeliyaan anigu waa kaas waa markii ugu horreysay ee aan is diiwaangeliyay oo aan doorasho u diyaar ahay” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Axmed Amiir.
Sidoo kale, waxaana shahaadada is diiwaangelinta qaatay wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, sida wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka, Marwo Khadiija Almakhzumi oo deegaan doorashadeeduna tahay isla degmada Shangaani.
“Maanta aniga oo deegaan doorashadaydu tahay degmada Shangaani waxaa alle i waafajiyay in aan iska diiwaangaliyo isdiiwaangalinta Doorashooyinka qof iyo codka ah.” ayay iyaduna tiri Wasiir Khadiija Almakhzumi.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso xilli weli siyaasiyiinta mucaaradka ay meel adag ka taagan yihiin hanaanka doorashada qof iyo cod taas oo uu ku adkeysanayo madaxweyne Xasan Sheekh, halka mucaaradka u arkaan mid laga leeyahay dano xukun dheereysi.