Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Soomaaliya oo xilligan ku jiro halgan adag oo ku aadan dagaalka argagixisada ayaa taageero wayn ka helay dowladda Ingiriiska oo ku dhowaaqday inay sii laba jibaareyso taageerada dhaqaale ee ay siiso ciidamada amniga Soomaaliya (SSF).
Boqortooyada Ingiriiska ayaa ciidamada Soomaaliya ugu deeqday illaa $3.9 milyan oo ay sheegtay in lagu hagaajinayo sanduuqa taageerada Soomaaliya SSF oo ay maamusho Qaramada Midoobay.
Sanduuqan ayaa si gaar ah u taageero illaa 18,900 oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah amniga iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.
Safiirka UK ee Soomaaliya, Danjire Mike Nithavrianakis oo ka hadlay taageeradan dhaqaale ayaa sheegay in ay muujinayso sida ay uga go’aan tahay ka dowlad ahaan taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ballan qaaday inay sii wadi doonaan.
Sidoo kale wuxuu farriin u diray saaxibada kale ee caalamiga ah, isaga oo ugu baaqay in ay iyaguna wax ku biiriyaan Sanduuqa SSF ee UNSOS.
“Waan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo taageero dheeraad ah si loogu guuleysto dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada rabshadaha wata. Waxaan ku dhiirigelinayaa saaxiibada kale inay iyaguna wax ku biiriyaan Sanduuqa SSF ee UNSOS, si ay u taageeraan geesiyaasha Ciidamada Amniga Soomaaliyeed si ay mustaqbal amni leh ugu suura geliyaan dadka Soomaaliyeed iyo gobolka oo dhan,” ayuu yiri Nithavrianakis.
Dhankiisa, Xuseen Sheekh Cali oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyay taageeradan cusub ayaa u mahadceliyay boqortooyada UK, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay in ay si mas’uuliyad leh u maamusho lacagta loogu yaboohay.
UK ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee taageerada kala duwan siiya Soomaaliya, waxaana sanadkii 2024-kii oo keliya, dhaqaalaha UK suurta geliyay in UNSOS ay gaarsiiso ciidamada amniga Soomaaliya 6,000 tan oo ah raashin ciidan iyo 2,000 tan oo shidaal naafto ah, iyo sidoo kale daryeelka degdega ah ee dhaawacyada boqolaal askari.
Si kastaba ha’ahaatee, Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya ayaa hadda u baahan ugu yaraan illaa $2 milyan oo bil walba ah, si uu u taageero kordhinta qorsheysan ee tirada ciidamada amniga Soomaaliya oo la gaarsiinayo illaa 20,900 askari, sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2767 (2024).
Soomaaliya ayaa hadda ku jirto marxalad dagaal, waxaana ciidamada dowladda ay howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wadaan koonfurta iyo bartamaha dalka.