Soomaaliya oo Muqdisho ku marti-gelinaysa shirka wasiirada Jaamacada Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay markii ugu horreysay tan iyo burburkii dowladda dhexe marti-geliso shirka wasiirada arrimaha dibedda ururka Jaamacadda Carabta, sida ay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, oo qoraal soo dhigtay barta twitter-ka.

Shirkaas ayaa la filayaa in horaanta sanadka 2019 uu qabsoomo, sida ay shaacisya wasaaradda.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay kusoo aaday qabashada hoggaanka Golaha Wasiirada Arrimaha Dibedda Jaamacadda Carabta, oo ay qaban doonto sanadka soo socda.

Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeysaa shirguddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta, kulankiisa 151-aad . Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay soo celinaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd dunida si shirarka iyo shir madaxeedyada loogu qabto Caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka ayw asaaradda soo dhigtay barta twitter-ka

Tallaabadan ayaa ah guul-weyn oo dibomaasiyeed oo usoo hoyatay Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com