Yariisow oo ganacsatada MUQDISHO u diray farriin hanjabaad wadata (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow), ayaa mar kale ka hadlay miro dhal la’aanta amar uu dhawaan kasoo saaray wareejinta darjiinooyinka.

Eng Yariisow, oo amarkaasi ka hadlaayay ayaa ku goodiyay in maamulkiisa uu qaadi doono talaabo waliba oo u sahli karta la wareegida darjiinooyinka.

Eng Yariisow, ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu awood u adeegsan doono cid waliba oo ka meermeereysa wareejinta darjiinooyinka.

Waxa uu Eng Yariisow sheegay inaan wali laga fal celin amarkiisa hore waxa uuna carab dhabay inay adeegsan doonaan qorshooyin ay kula soo wareegayan.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in wakhtigii Maamulka gobolka Banaadir uu horay ugu qabtay Ganacsatada inay ku soo wareejiyaan darjiinooyinka uu dhamaaday,isla markaana ay ku waajibeyso qaadista talaabo waliba oo lagu dhaqan galinayo amarkii hore.

Nuqul kamid ah haddalka Eng Yariisow ayaa aha “Waxan rabnaa in qof walba oo muwaadin ah heysta dhulka danta Guud inuu soo wareejiyo,goobihii darjiinooyinka waqtigii aan u qabanay waa la soo dhaafay”

“Wakhtiga wuu idiin dhamaaday hada waxan wadnaa qorsho ah dadka si dowladnima ah u wareejiya aan ka qaadno kuwii diidana aan xoog u adeegsano” ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

Saddexdii bishii la soo dhaafay ee July ayaa Wareegto uu soo saray duqa Muqdisho waxa uu baabi’iyey heshiisyadii lagu bixiyey darjiinoyinka,isaga oo u qabtay mudo 30 Maalmood ah inay ku soo wareejiyaan balse aan wali la dhaqan gelin amarkiisa.

Haddalka Eng Yariisow, ayaa u muuqda mid ay dowlada Somalia ku dooneyso in awood ciidan ay u adeegsato Ganacsatada iyo shaqsiyaadka kale ee xooga ku heysta darjiinooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com