Madaxweyne Geelle oo ka hadlay isbedelada Geeska ka socda iyo sida uu u arko

Jabuuti (Caasimada Online) – Kadib booqashada wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ee dalka Djibouti iyo dhex-dhexaadinta ay wadeen, waxaa la sheegayaa in Djibouti ay arrinkaasi si fiican u soo dhoweysay.

Colaadda Labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eritrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera iyo jaziirad ayaa la filayaa in is-afgarad arrinkaasi laga gaaro.

Wasiirrada  arrimaha dibedda ee halkaasi tagay waxaa ay sheegeen in madaxweyne Geelle uu soo dhoweeyey dadaalka la wado, isaga oo dhankiisa balan-qaadey inuu wada hadal iyo gor-gortan diyaar u yahay.

Cusmaan Saalix, wasiirka arrimaha dibadda Eretrea  waxaa uu sheegay in madaxweynaha u Djibouti gaarsiiyey salaanta madaxweynaha Eritrea iyo dhambaalka ah in dabeysha nabadeed ee ka socoto geeska Afrika in lagu soo daro Djibouti.

Madaxweyne Geelle ayaa ka maqnaa heshiiskii hogaamiyayaasha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ay ku saxiixdeen magaalada Asmara arbacadii, hase yeeshee Soomaaliya ayaa la sheegay inay dooneyso in Jabuuti aan meel cidlo ah looga dhaqaaqin, oo laga qeyb-galiyo dadaallada socda, ayada oo marka hore la xalinayo xiisadda kala dhaxeysa Eritrea.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com