Khilaaf xoogan oo ka dhex qarxay QOYSKA maamula boqortooyada Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Khilaaf xooggan oo ka dhex-qarxay qoyska boqortooyada Sacuudiga ayaa halis ku noqday qorshihii la doonayey in lagu casriyeeyo dalkaas, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Al-Khaleej.

Wargeyska ayaa sheegay in khilaafka uu ka dhex-taagan yahay boqor Salmaan, wiilkiisa Maxamed, iyo xubnaha kale ee ku dhow boqorka, taasi oo waddadii ka leexisay barnaamijka Aragtida 2030 ee horumarinta dhaqaalaha dalkaas.

Wargeysku waxa uu sheegay in khilaafka uu keenay in boqor Salman uu dib u tirtiray go’aanno badan oo uu qaatay wiilkiisa Maxamed, oo ah ninka sida dadban dalka u xukumayey; go’aannadaas oo loo arkay kuwa waxyeeleeyey dalka.

Al-Khaleej ayaa shaaca ka qaaday in ka laabashada qorshihii la doonayey in shirkaadda Aramco ee shidaalka Sacuudiga lagu geeyo suuqa saamiyada ay caddeyn u tahay heerka uu gaaray khilaafka. Qorshahan ayaa waxaa waday Maxamed Bin Salman.

“Waxay ahayd dharbaaxo uu boqor Salman ku dhuftauy wiilkiisa” ayuu qoray wargeyska.

Iska horimaanshaha siyaasadda Sacuudiga ee gudaha iyo dibedda ee tan iyo markii uu xukunka ku awood batay Maxamed Bin Salman ayaa albaabada u furtay khilaafka boqortooyada, sida ay warbaaxinta.

Khilaafka ayaa waxaa sidoo kale sii shaac bixiyey hadal dhowaan si qasoodi looga duubay Ahmed Bin Cabdulcaziiz oo la dhashay boqor Salman, kaasi oo sheegay in xasuuqa ka socda Yemen aysan shaqo ku lahayn xubnaha boqortooyada marka laga reebo boqorka iyo wiilkiisa.

Warbixinta waxay sidoo kale sheegtay in boqor Salman uu diiday go’aanka uu Maxamed Bin Salman ku taageeray heshiiska loogu magac daray “Heshiiska qarniga” ee Donald Trumo uu ugu talo galay Falastiiniyiinta iyo Israel. Heshiiskaas ayaa magaalada Qudus siinaya Yahuuda.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com