27.9 C
Mogadishu
Thursday, August 14, 2025

Soomaaliya oo noqotay xarun laga gudbiyo hubka sharci-darrada ah ee ku socda dalka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan ay samaysay Israel Hayom ayaa daaha ka rogay faahfaahin ballaaran oo ku saabsan shabakad sirdoon oo casri ah oo Iiraan ay hubka ku gaarsiiso kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, iyadoo xeebaha Soomaaliya ay kaalin laf-dhabar ah ka qaataan hawlgalkan.

Xogtan cusub waxay ku salaysan tahay marqaati-fur ay bixiyeen shaqaalihii saarnaa markabka al-Sharwa, kaasoo dhawaan la qabtay isagoo isku dayayay inuu hub istiraatiiji ah geeyo dalka Yemen. Waxay qirteen inuu ahaa kii laba-iyo-tobnaad ee hawlgalladoodii tahriibinta.

Sida ay sheegeen shaqaalaha, shabakaddan waxaa si wadajir ah u maamula xubno ka tirsan ururka Xisbullah iyo Ciidanka Qudus ee ka tirsan Ilaalada Kacaanka ee Iiraan, iyagoo adeegsanaya isku-jir marinno badeed oo toos ah, kuwa dadban, iyo kuwo qarsoodi ah si ay uga gudbaan cunaqabataynta caalamiga ah.

Biyaha xuduudda Soomaaliya ayaa ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee marinadan, waxaana la sheegay in ciidamada Iiraan ay fariisimo hawleed oo horumarsan ku leeyihiin xeebaha Soomaaliya si ay uga soo abaabulaan hubka loo daabulayo dekedaha ay Xuutiyiintu ka taliyaan ee dalka Yemen.

Marqaati-furka ayaa lagu faahfaahiyay sida hub casri ah—oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah gantaallada baalistikada, teknoolajiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo hababka difaaca hawada—si xeeladaysan loogu qariyay shixnado ganacsi oo sharci ah.

Alaabooyin ay ka mid yihiin matoorrada korontada, qalabka korontada beddela (transformers), iyo bambooyinka warshadaha ayaa loo soo saaray warqado muujinaya in dalka Jabuuti yahay halka ugu dambaysa ee ay ku socotay. Xaqiiqadu se waxay ahayd in shixnadda loo sii diyaariyay in loo gudbiyo dalka Yemen marka ay soo gaarto Geeska Afrika.

Ciidamada ammaanka ee Koonfurta Yemen ayaa ogaaday dhagartan xeeladaysan markii ay kala fureen waxa loogu yeeray “qalabka warshadaha,” ayna ka dhex heleen habab radar oo casri ah, qalabka lagu hago gantaallada, iyo teknoolajiyad militari oo istiraatiiji ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas.

Shaqaalihii la qabtay ayaa tilmaamay saddex marin oo waaweyn oo hubka lagu tahriibiyo:

1- Marinka koowaad: Shixnado toos uga soo baxa dekedda istiraatiijiga ah ee Bandar Cabbas ee dalka Iiraan kuna socda dekedda al-Salif ee waqooyi-galbeed Yemen.

2- Marinka labaad ee Soomaaliya: Saldhigyo isugu gudbin ah oo ku yaalla xeebaha oo ay maamulaan Ilaalada Kacaanka ee Iiraan, taasoo u sahlaysa doonyaha yaryar inay hubka geliyaan biyaha Yemen iyagoo iska dhigaya doonyo kalluumaysi ama ganacsi.

3- Marinka saddexaad ee Jabuuti: Iyadoo la adeegsanayo shabakadaha maraakiibta ganacsiga iyo xubno maxalli ah si hubka loogu qariyo shixnadaha sharciga ah ka hor inta aan ugu dambayn loo gudbin Yemen.

Marinka Soomaaliya ayaa si gaar ah loogu tilmaamay inuu ahaa mid lama huraan u ah sidii ay u furnaan lahaayeen waddooyinka sahayda, gaar ahaan xilliyada ay weerarrada militarigu carqaladeeyaan marinada kale.

Qaar ka mid ah shaqaalaha markabka ayaa qirtay inay Soomaaliya ka soo qaadeen “kiimikooyin xasaasi ah,” oo loogu ekeysiiyay daawooyinka lagu daweeyo kansarka, kuwaasoo markii dambe ay ciidamada Iiraan u adeegsadeen samaynta shidaalka gantaallada baalistikada ah.

Qaar kale waxay ka sheekeeyeen inay ka qaybqaateen daabulidda saliid iyo hub si toos ah uga soo baxay biyaha Soomaaliya kuna socday dekedda al-Salif ee Yemen, iyagoo ka tallaabsanaya dadaallada kormeerka caalamiga ah.

Shabakaddan tahriibinta ah ayaa la sheegay inay kormeeraan saraakiil sar-sare oo Xuutiyiin ah oo si dhow ula shaqeeya la-taliyeyaal militari oo Iiraaniyiin ah:

  • Abu Jaafar al-Talbi: Ku xigeenka wasiirka gaashaandhigga ee maamulka Xuutiyiinta, ayaa mas’uul ka ah dhammaan saadka militariga wuxuuna xiriir toos ah la leeyahay Ilaalada Kacaanka ee Iiraan.
  • Hussein al-Attas: Madaxa “Hay’adda Guud ee Kalluumaysiga Badda Cas,” ayaa maqaamkiisa dhanka badda u adeegsada inuu badmaaxiin u qorto hawlgallada Iiraan isla markaana hagto hawlgallada ka imaanaya Soomaaliya iyo Jabuuti.
  • Eyad Atini: Ku xigeenka al-Attas, ayaa maamula hawlaha dekedaha ee al-Salif iyo al-Hudaydah.
  • Yahya Jiniya: Waxaa loo xilsaaray qorista iyo isku-dubbaridka kooxaha tahriibinta.
  • Ibrahim al-Moayad: Wuxuu qaabilsan yahay hawlaha maaliyadeed iyo bixinta lacagaha.
  • Mostafa al-Sharfi: Waa isku-xiraha ugu muhiimsan ee Ilaalada Kacaanka ee Iiraan; wuxuu bixiyaa adeegyada turjumaadda luuqadda Beershiyaanka, isku dubbaridaa safarka badmaaxiinta Yemeni-ga ah ee aada Iiraan, wuxuuna maamulaa saad-qaadista konteynarrada.

Marqaati-furka ayaa lagu faahfaahiyay sida ay tahriibiyeyaashu isaga kala gooshayeen Yemen, Soomaaliya, iyo Iiraan iyagoo adeegsanaya hu’ga ganacsi rayid ah, mararka qaarna waxay sii marayeen waddooyin isku murugsan oo dhowr waddan ka kooban: waxay ka duulayeen Sanca una socdeen Urdun, halkaasna uga sii gudbayeen Lubnaan, ka dibna Suuriya, ugu dambayna waxay u duulayeen Tehran ka hor inta aysan gaarin Bandar Cabbas. Halkaas, Ilaalada Kacaanka ayaa ku siin jiray tababarro dhanka hubka ah iyo warbixinno hawleed ka hor inta aan loo dirin hawlgallada marinada Soomaaliya, Jabuuti, iyo kan tooska ah ee Iiraan.

Waddo kale oo ka gaaban ayaa ahayd inay u gudbaan dalka Cumaan, oo inta badan dhex-dhexaadiya Xuutiyiinta iyo dawladaha Reer Galbeedka. Dhulka Cumaan, tahriibiyeyaashu waxay si toos ah uga duuli kareen Iiraan—waa waddo ay shaqaaluhu sheegeen in si badheedh ah loogu adeegsan jiray si looga faa’iidaysto xasaasiyadda diblomaasiyadeed ee gobolka.

Maraakiibta ka hawlgala marinka Soomaaliya ayaa la sheegay inay inta badan safraan habeenkii, iyagoo ku dhowaanaya xeebta si ay uga dhuuntaan roondooyinka ciidamada badda ee caalamiga ah ee kormeera marinnada Badda Cas si ay ula socdaan ku-xadgudubka cunaqabataynta.

Shaqaaluhu waxay xuseen in xeebta Soomaaliya ay leedahay dekedo yaryar iyo gacamo badan oo ku habboon is-dhaafsiga qarsoodiga ah, kuwaasoo intooda badan ka fog halka ay gaari karaan ciidamada badda ee si hufan u ilaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan Koonfurta Yemen, Rakkan Ali Talyan, oo la hadlay telefishanka al-Jumhuriya, ayaa sheegay in marqaati-furku uu xaqiijinayo isku-xirnaanta qotada dheer ee Xuutiyiinta kala dhaxaysa xubnaha Xisbullah iyo kuwa Iiraan ee ku sugan Suuriya iyo Cumaan, iyo sidoo kale goobaha ay ka hawlgalaan ee ku yaalla xeebaha Soomaaliya.

Sirdoonka Yemen ayaa intaa ku daray in kaalinta Soomaaliya ay hadda aad ugu dhex milantay shabakaddan oo ay u shaqeyso sidii waddo joogto ah oo loo baxsado mar kasta oo ay hawlgallo militari carqaladeeyaan shixnadaha tooska uga yimaada Iiraan.

Ugu dambayn, baaritaanka Israel Hayom wuxuu ku soo gabagabaynayaa in Soomaaliya aysan ahayn oo kaliya marin la sii maro, balse ay tahay xarun hawleed oo muhiimad istiraatiiji ah u leh hawlgal tahriibin oo baaxad weyn oo isaga gudba qaaradaha Bariga Dhexe, Afrika, iyo Aasiya—shabakad loogu talagalay in lagu sii wado awoodda militari ee Xuutiyiinta ee Badda Cas iyo meelo ka baxsan, inkastoo ay sii kordhayaan weerarrada Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah waddooyinkooda sahayda.

- Advertisement -

Read more

Local News