Soomaaliya ‘oo qarka u saaran’ inay lumiso fursad dahabi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ayaa si weyn looga cabsi qabaa inuu galaafto khilaafka siyaasadeed ee dowaladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Puntland.

Khilaafkan ayaa halis gelin kara rejada ah in Soomaaliya laga cafiyo deymaha adduunka ee IMF iyo deeq-bixiyeyaasha kale ee caalamiga ah, dhamaadka sanadkaan 2023-ka, sida ay ka digeen saraakiisha iyo khubarada maaliyadda.

Deynta Soomaaliya lagu leeyahay ayaa lagu qiyaasa in ka badan shan bilyan oo dollar, ayada oo qaan-bixiyaha ugu badan uu yahay Mareykanka oo dhiibay adduun lacageed oo dhan hal bilyan oo dollar.

Waddamada u qalma inay helaan deyn cafinta ayaa waxaa shuruuda 1-aad ah inay ballan-qaadaan isbeddel dhaqaale iyo mid maaliyadeed, iyo weliba sidoo kale dhimista faqriga iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalkaasi.

Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay mid kamid ah dalalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka, sida lagu soo saaray warbixinta hay’adda Transparency International ee sanadkii hore.

Dowladda federaalka oo ka gil-gilaneysa in hanaanka daah-furnaanta dalka ee dhinaca maaliyadda uu yahay kan ugu hooseya ayaa dhawaan meel-marisay sharciyo ka dhan ah musuq-maasuqa, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay sidii sare loogu qaadi lahaa sharcinimada iyo kalsoonida hay’addaha maaliyadda dalka.

“Cafinta deymaha waxay rejo weyn u tahay Soomaaliya inay dib u soo ceshato maqaamkeeda maaliyadeed ee beesha caalamka, waxayna u ogolaaneysaa dalkeenna inuu dib ugu soo laabto dhaqaalaha adduunka kadib 30 sano oo dibad joog ka ahaa,” ayuu yiri dhaqaalyahan sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay VOA.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday in la xigto magaciisa ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in haddii ay sii jiraan musuq-maasuqa iyo khilaafyada siyaasadeed ee aan loo baahneyn ay Soomaaliya lumin doonto fursad dahabi ah oo deymaha lagu leeyahay looga cafin karo.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa muddo soo waday dadaallada looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay dalka, iyada oo dowladda Xasan Sheekh ay qaaday tallaabooyin muhiim u ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale dhawaan shaacisay in heer geba-gabo ah uu marayo barnaamijkan deyn cafinta, xilli uu socdo qorshaha ay dowladda ku dalbaneyso deyn horleh marka soo idlaado hanaanka deyn cafin ee socda.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shirkii March ee Baydhabo isla qaatay in qorshaha deynta cusub looga qaadanayo dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah lagu saleeyo mashaariic isbixin kara si dib loogu gudo deyntaasi, taasi oo ay si adag uga hortimid maamulka Puntland.

Isku soo wada duubo, arrimahaan ayaa imanaya xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, ayna ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista shanaad ee barnaamijkan, islamarkaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqolaal bilyan oo dollar ah.