Khasaaraha qarax xooggan oo caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax khasaare gaystay ayaa caawa ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday ciidamada amniga ee booliska Milateriga ee dhowaan lagu wareejiyay amniga Caasimadda.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa ka dhacay Waxda Saddexaad ee degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, wuxuuna qaraxu qabsaday gaari ay la socden ciidamada iyadoo la sheegay inay afar askar ku geeriyoodeen qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen afar askari oo kale.

Askarta la qarxiyay ayaa gurmad deg deg ah loo sameeyay, waxaaan goobta qaraxa gaaray mas’uuliyiin kala duwan, ayada oo askarta dhaawaca loo qaaday isbitaallada Muqdisho.

Waa khasaarihii ugu badnaa ee soo gaara ciidamada Booliska Milateriga ee Xasilinta caasimadda ee Amniga magaalada Muqdisho gacanta ku haya.

Ciidamada oo lagu soo tababaray dalka Uganda ayaa waxaa mushaharkooda bixiya dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana bishii askari kasta uu qaataa $300.

Ciidamada ayaa tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka caasimadda wax weyn ka beddelay, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray caasimadda, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanada.