Maxaa looga hadlay kulan dhex-maray ergey Waare iyo safiirka UK?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mike Nithavrianakis.

Kulanka Ergeyga Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii dowladda UK ay qeyb uga qaadan lahayd horumarinta iyo xasalinta deegaannada ay ciidanka dowladda ay kala wareegeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Safiirka dowladda UK ee Soomaaliya oo kulanka kadib qoraal soo dhigay bartiisa twitterka ayaa waxa uu ku yiri “Kulan farxadeed ayuu ahaa kulan Maxamed Cabdi Waare, kaasi oo aan uga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay ilaalinta rayidka iyo qorshaha horyeela xafiiskiisa.”

Ergeyga Madaxweynaha oo dhankiisa qoraal kasoo saaray kulankaan ayaa waxa uu ka mahad-celiyay taageerada UK ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, bini’aadantinimada iyo horumarinta.

“Kulankii aan la yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis iyo ku-xigeenka Edward Barnett, waxa aan ka wada-hadalnay doorka ay UK ka ciyaari karto Soomaaliya ee xasilinta iyo horumarinta goobaha la xoreeyay,” ayuu yiri Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu warqadaha aqoonsiga danjirnimo ka guddoomay Mike Nithavrianakis, oo ah safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska.

Amb. Mike Nithavrianakis ayaa ah diblomaasi rug caddaa ah oo xilal dhowr ah kasoo qabtay xafiiska arrimaha dibedda oo ay ugu dambeysay inuu ahaa qunsulka guud iyo agaasimaha ganacsiga iyo maal-gashiga ee qunsuliyadda UK ee Milan, Italy, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyey safaaradaha iyo qunusliyadah UK ee dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Afghanistan, Greece, Sacuudi Carabiya iyo Ghana.

Si kastaba, Boqortooyada Ingiriiska iyo Dowladda Soomaaliya ayaa leh xiriir iskaashi oo ku dhisan dhinacyada ammaanka, mashaariicda horumarinta, dhaqaalaha iyo gargaarka, iyada oo dib loo furay 2013-kii safaaradda UK ee magaalada Muqdisho.