Soomaaliya oo wajaheysa xaalad siyaasadeed cakiran iyo arrimo laga cabsi qabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad cakiran oo jahwareer siyaasadeed oo xoogana dhalinaysa, kadib markii uu shalay shaaciyay Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan inay kalsoonidii kala noqdeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Kheyre.

Waxaa aad usii xumaanaya xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka hey’adaha dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Waxaa hore u istaagay wada-shaqeyntii labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hadda soo kordhay in la kala diray xukuumadii dalka, xilli lagu jiro waqti kala guur ah.

Go’aanka ay shalay gaareen xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa horseedaya khilaaf dastuuri ah iyo cabsi laga qabo in uu dhaco muddo korarsi.

Dhamaan waxaa istaagay shaqooyinkii wasaaradaha dowladda federaalka, iyadoo aan wax lacag laga bixin karin Bangiga dhexe ee dalka, wasaaradda maaliyadana la dul dhigay amar iyo caqabado kale oo waa weyn.

“Tani waxay aheyd qarax is-miidaamin siyaasadeed kii ugu weynaa, waxaana ka dhalan kara caqabado horseeda bur bur iyo dib u dhac,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cadde.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in arintaan ay dhalin karto daruufo adag oo aan laga soo kaban karin iyo in dib loogu laabto dhibaatooyinka badan oo laga soo gudbay.

Villa Somalia ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneyd qorshe ay ku rabto inay muddo kordhin ugu sameyso Farmaajo, iyada oo qiil ka dhiganeysa qabashada doorasho qof iyo cod ah oo xiligan uu dalku u diyaarsaneyn.

Baarlamaanka ayaa Kheyre xilka uga tuuray inuu ku fashilmay in dalka ka dhacdo doorashada ay rabto Villa Somalia, taasi oo haddii si kale loo dhigo noqoneysa in lagu qasban yahay muddo kororsi, marba haddii ay xukuumaddii ku fashilantay doorasho, sida uu rumeysan yahay Guddoomiye Mursal.

Mursal iyo xulafadiisa Golaha ayaa iyagu dadaal badan galiyay sidii ay xilka uga tuuri lahaayen Kheyre, iyada oo dabada ka riixeyso Villa Somalia, isla markaana aan si dhab ah u xaqiiqsaneyn xaalada cakiran ee dalka galin karto arrintaasi.

Qaar ka tirsan xukuumada Kheyre ayaa si adag uga hor-yimid xil ka qaadista baarlamaanka oo uu ayiday Farmaajo, taasi oo ka dhigan in xaalad adag oo siyaasadeed uu dalku galay, xili lagu muransanaa nooca doorasho ee dhaceysa.

Siyaasiyiinta mucaaridka qaarkood ayaa hore uga digay in dalka loo horseedo qalaalase siyaasadeed oo dhaawac weyn u keeni kara geedi socodka horumarka iyo dimuquraadiyada Soomaaliya, wallow xiligan laga cabsi qabo muddo kororsi.