Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay doon ku qalibantay xeebta magaalada Marka

Marka (Caasimada Online) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba qof oo kalane waa la la’yahay kadib markii ay qalibantay doon ka baxday Muqdisho kuna sii jiiday magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan Marka ayaa sidoo kale sheegay in ay soo badbaadiyeen 8 qof, waxaana wadarta dadkii saarnaa lagu sheegay 11 qof, oo ay ku jirta hal qof oo dumar ah.

Qaar kamid ah dadka la soo badbaadiyay oo qaba dhaawacyo culus ayaa hadda lagu daaweynayaa Isbitaal ku yaalla magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada Hoose.

Qaar kamid ah doonleyda magaalada Marka iyo dad kale oo dabaal yaqaan ah ayaa ku baxay sidii loo soo Badbaadin lahaa labada qof ee maqan.

Badweynta Hindiya ayaa maanta aad u kacsan waxaana maanta sidoo kale qal qal xoog leh laga dareemay dekadda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaar kamid ah maraakiibta ku xiran Dekadda Muqdisho ayaa la sheegay in maanta xargaha goosteen inkastoo aysan dhicin dhibaato weyn, sida aan xogta ku helnay.