Midowga Yurub oo war kasoo saaray xil ka qaadista Kheyre

Brussels (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa ka horyimid xil ka qaadistii ay Golaha Shacabka Soomaaliya ku sameeyeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, taasi oo ururka uu ku qeexay inay dib u dhac ku tahay horumarka Soomaaliya.

“Nasiib darro, arrimaha ka dhacay Golaha Shacabka Soomaaliya Sabtidii waxay dib u dhac ku yihiin Soomaaliya, iyo kalsoonidii Midowga Yurub uu ku qabay horumarka Soomaaliya,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri Wakiilka Sare iyo madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub Josep Borrell.

“Hanaanka loo maray mooshinka codka kalsooni kala noqoshada xukuumadda xitaa ma aysan buuxin shuruudaha ugu yar ee dastuuriga ah,” ayuu yiri.

Codkii shalay ee Golaha Shacabka ayaa yimid maalin kadib markii lasoo geba-gebeeyey kulankii madaxweynaha dalka iyo madaxweyne goboleedyada, kaasi oo la isku raacay inuu xigo kulan kale oo dhacaya 15-ka August.

“Ficilladan waxay xushmad darro weyn ku yihiin aas-aasyada dastuuriga ah ee Soomaaliya ee Midowga Yurub uu maal-gelinayey,” ayuu yiri Borell.

“Midowga Yurub wuxuu si taxaddar leh dib ugu eegi doonaa sida ay ku yimaadeen dhacdooyinkan iyo cidda qaadeysa mas’uuliyadda iyo heerka ay Soomaaliya ka weecin karaan horumarka ay sameyneysay,” ayuu yiri.

Qoraalka Midowga Yurub ayaa imanaya ayada oo sidoo kale dowladda Mareykanka ay shalay sheegtay in kalsooni kala noqoshada xukuumadda Kheyre ay dib u dhac ku tahay isbedellada horumar ee ka socday Soomaaliya.

VOA