Muqdisho oo maanta uu ka maqan yahay Internet-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaanba hawada ka maqan khadka Internet-ka caasimada magaalada Muqdisho, gobolada Hiiraan, Mudug, Shabeellooyinka, Bay iyo Bakool iyo gobollada Jubbooyinka.

Saakay ayey dadka ku waaberiisteen qad la’aanta iyadoo uu saameeyay shirkaddaha xawaaladaha, xarumaha warbaahinta iyo xafiisyada dowladda oo adeega internet-ka ay ku tiirsanaayeen howlahooda.

Lama oga sababta loo waayay maanta qadka internet-ka hase ahaatee waxaa loo aaneynayaa cilad farsamo oo shirkaddaha Hormuud iyo Global oo ah kuwa inta badan bixiya addeegga Internet-ka.

Shacabka Muqdisho ayaa saameynta ugu badan uu ku yeelanayaa maqnaanshaha adeegga internet-ka haddii uu sii socda, waxaana gebi ahaanba joogsan doono adeegyo badan oo qadka internet-ka ku xiran.

Shirkadda Hormuud, Global iyo Somtel ayaa ah shirkaddaha ugu awooda badan ee ka howlgala bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ee bixiya adeega internet-ka.