Kadib is-casilaadii Kheyre, madaxweyne Xasan Sheekh oo xariiqay khad cas oo uu ka digay in laga gudbo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda ku soo korortay dalka, kadib markii uu shalay is-casilay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xasan Sheekh ayaa muujiyay in tani looga gol leeyahay muddo kordhin ay Villa Somalia qorsheynayso, ha yeeshee muddo kordhin aan dastuuri ahayn waxaa uu ku sheegay mid aan gebi ahaanba ikhtiyaar ahayn.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in loo hoggaansamo dastuurka ay tahay khad cas, oo aanu qofna ahayn in uu isu dayo inuu ka gudbo.

“Muddo kordhinta aan dastuuriga ahayn gebi ahaanba ma’aha ikhtiyaar. Sidoo kale isku dayga dib u dhaca, keliya waxay kaga sii dareysaa xaaladda. Waa khad cas qofna maaha inuu isu dayo in uu ka gudbo. Si kastaba ha-ahaatee xaaladda waxaa ay u muuqataa mid gud-cur ah, waxaanse hubaa in dadka Soomaaliyeed ay mar walba ilaashan doonaan shumaca rajada,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in fursado badan loo khasaariyay dib u dhiska Soomaaliyada cusub, balse uu maanta jiro nidaam uu muujiyay inuu horu-socodkeeda caqabad ku yahay.

Xasan Sheekh ayaa ugu dambeen ku taliyay in caqligu shaqeeyo, isla-markaana laga wada shaqeeyo, sidii dalka loogu hoggaamin lahaa is afgarad siyaasadeed, isla-markaana ay doorashadu noqoto mid loo wada dhan yahay.

“Fursado badan ayaa loo lumiyay taariikhda dhismaha ee Dowladnimada Soomaaliya, maantana waxaa jira mid cusub oo ah hoggaanka haataan jira, waxaana loo baahan yahay go’aan caqli leh, si loo gaaro is afgrad siyaasadeed oo loo dhan yahay, si loo helo doorasho waqtigeeda ku haboon, lana aqbali karo ku dhacda.” Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Danleyda Siyaasadda ee dalka ayaa qaarkeed Villa Somalia ku eedeysay inay xusul-duub ugu jirto, sidii ay mudada u dheereysan laheyd, taasoo ayna ku sheegeen mid uun qalalaase siyaasadeed u horseedi doonto dalka.