Video: Farsamo yaqaanada la ciilay ee la mahdiyay wax-soo-saarkooda (Daawo)

Farsama yaqaanada xoogsatada ee soo saara alaabta laga sameeyo geeddaha la qoray, biraha la tumay iyo qalabka kale ayaa ah warshadaha kallya ee xiligaan ka shaqeeya Somalia, kuwaasi oo aysan jirin meel ay ka tirsan yihiin iyo dowlad madasha.

Qalabka ay soo saaraan farsamayaqaanadaan la ciilay lana heyb soco ayaa shacabka u leh munaacafaad nolosha ku xeran, waxayna soo saaraan alaabta guryaha, tacbashada beeraha, xoolaha iyo alaabta kale ee maacuunta sida midiyaha, maacuunta iyo in kale oo badan.

Mududii burburka ee nidaam la’aanta ilaa iyo iminkana waxay yihiin warshada kaliya ee dalka ka howlgala ee buuxiyay kaalintii dowladnimada.

Xoogsatada biraha iyo geedaha farsameeyo ayaa Soomaalida inteeda kale takoor kala kulma, waxayna arrintaani tahay mid soo jireen ah oo dhaqanka iyo diinta Islaamka raad ku laheyn, balse sanadihii danbe u muuqatay mid kasoo yara dabceyso fahamkaasi qaldan.