Aqriso: Magacyada sideeda xildhibaan kaliya ee diiday ‘xil ka qaadista’ R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii xildhibaanada golaha shacabka ee la sheegay in kalsoonida loogala noqday xukuumadda Xasan Cali Kheyre waxaa soo xaadirtay 179 xildhibaan.

Sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka Maaxmed Mursal, waxaa kalsoonida in lagala noqdo xukuumadda u codeysay 170 xildhibaan, waxaana soo hartay 9 xildhibaan.

Caasimada Online waxay soo ogaatay magacyada sideed xildhibaan oo si adag uga hor yimid wixii ka socday xarunta ee lagu tilmaamay kalsooni kala noqoshada iyo halka uu ka baxay codka xildhibaanka sagaalaad oo aan isagu dhanba u codeyn.

Xildhibaanka aan dhana u codeyn ee ku sugnaa xarunta waa Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ahna wasiirka warfaafinta xukuumadda la riday.

Weriye ku sugnaa xarunta xilliga sida dirqiga ah codka loogu qaadayey xukuumadda ayaa Caasimadda Online u sheegay in Maareeye uu soo baraarugay goor dambe, isla markaana uu yiri oo kaliya “oo hadda xukuumadii ma la cunay?”

Sideeda xildhibaan ee kale aad ayey uga dagaalameen codeyntii dhacday, waxayna qaarkood sameeyeen gacan qaad, kuwaas oo kala ah.

1 –Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ahna Waiirka amniga xukuumadda la riday ee Ra’iisul wasaare Kheyre,

2 – Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xassan ahna Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda dhacday,

3 –Xildhibaan Cismaan Cabdi Daallo ahna Wasiir  ku xigeenka dekadaha iyo gaadiidka Badda,

4 – Xildhibaan Aadan Isaaq Maxamed ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda dhacday,

5 – Xildhibaan Xasan Cabdi (Xasan Firinbi)

6 – Xildhibaan  Xuseen Iidow,

7 – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow,

8 – Xildhibaan Cabdullahi Gaafow Maxamuud.

Xildhibaan Aadan Isaaq Maxamed sidoo kalena ah Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta waxa uu sameeyey gacan qaad isagoo qalan uu gacanta ku hayey xildhibaan kale wajiga uga dhuftay.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ahna Waiirka amniga waxa uu jar-jaray fiilada marafoonkii uu ku hadlayey guddoomiye Mursal, isaga aad u careysan.