Golaha Shacabka oo bil gudaheed galay 3-qalad oo waa weyn oo dastuuri ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shalay mar kale qaatay go’aan aad u qaraar oo dalka geliyay xaalad siyaasadeed aad u adag.

Sharci yaqaanada dalka oo ay ku jiraa xildhibaano ayaa sheegay in maanta Golaha Shacabka markii 3-aad ay galeen qalad weyn oo horseedi kara bur-bur iyo kala tag, waxaana markii lagu daray laba qalad oo horey ay saddexda qalad kala yihiin:-

1 – Golaha Shacabka ayaa bishii June warbixin ka dhageystay guddiga madaxda banaan ee doorashooyinka qaranka, waxayna arrintaas ka hor imaaneysaa sharciga doorashooyinka, oo tilmaamaya in labada aqal ee baarlamaanka oo wadajir ah ay guddiga warbixin ka dhageestaan.

2 – Golaha Shacabka ayaa sidoo kale qaraar u badalay afar xeer oo uu ku jiro xeerka metelaada gobalka Banaadir, waxayna arrintaas ka hor imaaneysaa sharciga doorashooyinka qaranka ee Madaxweynuhu saxiixay oo dhigaya in xeer lagu soo saaro, balse ay u badaleen qaraar.

3 – Golaha Shacabka ayaa shalay ku xadgudbay dastuurka dalka oo dhigaya in Mooshinka Ra’iisul wasaaraha soo jeediyaan ugu yaraan 50 xildhibaan, kadib ajandaha lagu daro, laga doodo, kadibna cod la geliyo, balse intaasba ma dhicin.

Arrimahaan oo dhan ayaa laga cabsi qabaa in dalka ay geliyaan bur-bur iyo dhibaatooyin kale oo laga soo gudbay. Qubarrada sharciga ayaa ka digay in dalka loo celiyo xaaladihii adkaa ee laga soo gudbay sanadihii la soo dhaafay.