Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa toddobaadkii tagay waqtigiisa ku qaatay furimaha dagaalka ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, isagoo kulamo la yeeshay ciidamada qaranka, kuwa difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleeyda, dhallinyarada, odayaasha dhaqanka, iyo haweenka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale furimaha geeyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan goleyaasha dowladda, aqoonyahanno kasoo jeeda deegaannada uu tagay, iyo ganacsato si ay qeyb uga noqdaan gulufka dagaalka. Bilowgiiba, arrintani waxay noqotay rajo meel fog ka hilaacday iyo yididiilo shacabku dareemeen, taas oo muujisay in markan uu madaxweynuhu usoo jeestay dagaalka.
Isla toddobaadkaas, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa shir degdeg ah oo uu 21-kii bishan isugu yeeray Golaha Wasiirrada ku iclaamiyay in golihiisa ay tagi doonaan furimaha dagaalka ee Shabeellaha Hoose, halkaas oo culeys ay saareen Al-Shabaab, lana wareegeen magaalooyin istiraatiiji u ah dagaalka sida Aw Dheegle, Barriire, iyo Sabiid. Magaalooyinkan ayaa leh buundooyin muhiim u ahaa difaaca caasimadda.
Inkastoo qiimeyn amni oo uu Taliska Xoogga sameeyay looga joojiyay Ra’iisul Wasaaraha inuu u guuro Beerta Sheekh Zaayid ee Afgooye, ayna adag tahay in aaggaas si fudud looga ilaaliyo arbushaadda Al-Shabaab, haddana in wali Wasiirka Koowaad iyo Golihiisa Wasiirrada aysan wax tallaabo ah qaadin waa mid muujinaysa inuusan dalku haysan gole wasiiro oo xilli dagaal (War Cabinet).
Gulufka dagaal ee socda ayaana banaanka keenay inaan Golaha Wasiirrada iyo Madaxweynaha dalku aysan isku jiho u socon. Waxaa la isweydiinayaa: Ma madaxweynaha ayaa keligii duul ah mise xukuumadda ayaana lahayn karti hoggaamineed oo lagu hago xaaladda dalka? Kii ay ahaataba, waxay muujinaysaa fashilka madaxweynaha, maadaama uusan la imaan gole xukuumadeed oo la xambaari kara ajandayaasha dagaalka.
Safarrada madaxweynaha ee furimaha ayaa bidhaamiyey tuhunkii waayadan ku xeernaa ee ah inuu xafiiskiisa u rartay shaqooyinka wasaaradaha muhiimka ah sida Gaashaandhigga, Amniga, iyo Maaliyadda. Waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu ku darsaday xilkii oday dhaqameedka, taas oo dad badani aaminsan yihiin inay dib u dhigtay abaabulkii looga baahnaa furimaha dagaalka. Sida lamid ah, hoggaamintiisu waxay curyaamisay hawlihii xukuumadda.
Balse ceebaha ugu badan waxay soo baxeen labadii maalmood ee u dambeysay. Madaxweynuhu wuxuu kaga khudbeeyay Hirshabeelle in sanadkan la aadi karin cumrada, oo baddalkeeda la niyeysto dagaalka Al-Shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirkii hore ee Amniga Xasan Xundubeey. Taasi ma dhaboowday? Maya! Waayo isla madaxweynaha ayaa safarkiisa uu saaka ugu ambabaxay Turkiga uga sii gudbi doona magaalada barakeysan ee Makkah si uu usoo cumreysto.
Waxaa kale oo jirta in xukuumaddu aysan u muuqan mid waqti dagaal. Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Gaashaandhigga, Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Amniga Gudaha, Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo dhammaantood ah wasiiro halbowle u ah qaabeynta dagaalka, dhiirrigelinta ciidamada, isku dubaridka saadka iyo taakulada, xasilinta deegaannada la xoreeyo, iyo adeegga gaarsiinta bulshada, ayaa u safray si ay u soo cumreystaan, waxayna banneeyeen kaalintii dagaalka uga aaddanayd.
Waxaa intaas dheer in Wasiirka Arrimaha Islaamka, Muqtaar Rooboow Cali, oo ah qofka ugu khibradda badan dagaalka lagula jiro kooxahan, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, haatanna ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo saaka si degdeg ah uga soo dhoofay Sucuudiga, ahna wasiirkii maamulayay wasaaraddaas xilligii ugu dheeraa tan iyo sanadkii 2000, Wasiirka Beeraha, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Xannaanda Xoolaha, Xildhibaan Xasan Xuseen (Eelaay), Wasiirka Deegaanka iyo Cimilada, Sarreeye Guud/Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe), oo ah qofka haysta darajada ciidan ee ugu sarreeysa, lagana sugayay inuu fadhiyo qolka laga hago dagaalka, iyo Wasiirka Kalluumeysiga, Axmed Xasan, ayaa iyaguna ku biiray wufuudda u safartay cumrada.
Waxaa kale oo jira in wasiiro kale, oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Qorsheynta, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, iyo Wasiirka Haweenka, Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi, ay iyaguna dalka safar uga maqnaayeen, waxayna haatan ku sugan yihiin magaalada Nairobi.
Xogo aan ka helnay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha socdaalka iyo duulista ayaa xaqiijiyay in dhawrkii maalmood ee xigtay fasaxa Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, tiro ka badan 120 xildhibaan ay u dhoofeen magaalada Nairobi, halka in ka badan 50 kalena ay u safreen Boqortooyada Sucuudi Carabiya si ay usoo cumreystaan.
Haddaba, marka aad eegto hadalladii Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ka jeediyay furimaha dagaalka iyo khudbadihii Ra’iisul Wasaaraha ee xoojinayay dareenka ah inuu dalku ku jiro xaalad dagaal, loona baahan yahay inaan dagaalka loo kala harin, iyo hab-dhaqanka xukuumadda haatan jirta, waa mid kaaf iyo kala dheeri ah.
Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: Dalku ma wuxuu maanta u baahan yahay xukuumad dagaal oo xilligan adag ka saari karta mise xukuumad dalxiis iyo dibad wareeg? Ogaada, cumrada iyo cibaadada ajarkooda iyaga ayay gaar u tahay, wixii ka xumaadana, masuuliyaddii ay qaadeen waxay culeys iyo ceeb ku tahay dalka iyo dadka!
Xigasho: SomaliStream