Xiisadda Soomaalida iyo Cafarta oo weji cusub yeelatay – Maxaa ka socda Addis?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ayaa lagu soo gaba-gabeeyay shir ay isugu yimaadeen dhallinyarada iyo odayaasha labada deegaan ee Soomaalida iyo Cafarta, kuwaas oo horey uu dagaal uga dhex dhacay.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda nabadda ee Itoobiya, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhaqan-gelin lahaa heshiisyadii horey ay u gaareen madaxweynayaasha labada deegaan, kuwaas oo loogu talagalay in lagu soo afjaro colaadda.

Odayaasha Soomaalida ee ka qaybgalay kulanka ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ay tahay ka hortagga dagaallo kale iyo xoojinta is-afgaradka labada qoomiyadood.

Deegaannada Cafarta iyo Soomaalida oo xuduud wadaaga ayaa muddooyinkii la soo dhaafay la daalaa-dhacayay dagaallo soo noq-noqday, kuwaas oo ilaa hadda aan xal waara loo helin.

Colaadda u dhexeysa labada deegaan ee Soomaalida iyo Cafarta ayaa salka ku haysa muran dhuleed.

Bulshada Ciisaha ee ku nool galbeedka Sitti ayaa aaminsan in ay ka tirsan yihiin deegaanka Soomaalida, halka maamulka Cafartana uu sheeganayo in dhulkaasi ka mid yahay dhulkiisa.

Dadaallada socda ayaa looga gol leeyahay in si nabadeed xal waara looga gaaro khilaafka taagan, kaas oo dhowr jeer sababay in labada dhinac dagaalamaan, una horseeday khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.