Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku soo biiraya dagaalka Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu shaaciyey wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Maxamed.
Sheekh Shariif ayaa hadda ku maqan dalka Sacuudiga oo uu Cumro u aaday, waxaana la qorsheeyey in markii uu soo laabto uu wax ka hoggaamiyo howlgalka, si kooxda Al-Shabaab looga xoreeyo dhulkii ay soo qabsadeen ee Shabeellaha Dhexe.
“Reerka waxaa ugu weyn madaxweynihii hore oo hadda xildhibaankii deegaanka ah Sheekh Shariif, waxaa ku xiga madaxweynihii deegaanka oo Cali Guudlaawe ah, waan la wada hadalnay, Sheekh Shariif hadda cumro ayuu ku maqan yahay, dagaalkana diyaar ayuu u yahay, waana safka hore markii uu yimaado,” ayuu yiri wasiirkii hore ee amniga qaranka.
Xundubey oo wareysi dheer bixiyey ayaa sheegay in waxgaradka, masuuliyiinta iyo dadka ay taladu ka go’do ee Abgaal ay shireen, isla markaana ay gaareen go’aan mideysan, oo madaxweyne Xasan Sheekh ay la wadaageen, intii uu ku sugnaa degmada Cadale.
“Xoogaa xarig jiid ah ayaa ka dhaxeeya reeraha, waana wax iska imaa kara, laakiin hadda waxaa la gaaray talo mideysan oo madaxweynaha qaranka iyo madaxweynaha deegaanka aan la wadaagnay, markii ragga cumrada jira ay dalka ku soo laabtaana waan bilaabeynaa howlgalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xundubey.
Wuxuu sheegay in la is tuhmi karo, laakiin Cali Guudlaawe, isaga Xundubey ah iyo xubno kale oo saameyn leh, deegaankana ka soo jeeda ay safka hore yihiin, “hadii la isku eedeeyo Shabaab idinkaa nagu soo daayey waa wax furan, laakiin hadda waxaa la gaaray qorshe mideysan.” ayuu yiri.
Sheekh Shariif oo so weyn u mucaarada siyaasadda iyo hab maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xildhibaan u ah beesha Agoonyar Gaabane ee Abgaal, beeshaas ayaa degta Ceelbaraf oo Shabaab-ka soo galay Shabeellaha Dhexe ay ka soo galeen gobolka.
Toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa Sheekh Shariif lagu eedeynayey sababta uu beeshiisa u abaabuli la’yahay si ay dhulkooda Shabaab uga xoreystaan, maadaama uu yahay xildhibaankii deegaankaas siyaasi laga amar qaato, balse hadda waxaa meesha ka bixi doonta eedeyntaas, waxaana lagu shaqey doonaa qorshaha lagu xoreynayo Sh/Dhexe ee la diyaariyey, sida uu sheegay Xundubey.