‘Soomaaliya waxay noqon kartaa sida Texas oo kale’

Houston (Caasimada Online) – Wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa faallo uu ku qoray wargeyska Houston Chronicle ee kasoo baxa magaalada Houston ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay noqon karto Texas-ta cusub marka loo eego kheyraadka ku jira.

“Sheekada Soomaaliya dib ayaa loo qorayaa, waxaana mustaqbalka dalka astaan wanaagsan u ah shidaalkii laga helay Texas horraantii qarnigii 20-aad.” Ayuu wasiirka ku billaabaya faalladiisa.

“Shidaalka Texas waxa uu horumariyey dhaqaalihii, waxa uu keenay waxbarasho wanaagsan iyo maal-gelin lagu sameeyey kaabayaasha iyo isku xirayaasha gaadiidka. Tani waxay muujineysaa sida dalkeena u noqon karo mustaqbalka, haddii aan u maareyno si taxaddar leh.” Ayuu qoray wasiir Cabdirashiid.

Wasiirka ayaa sheegay in horumar laga sameynayo Soomaaliya oo ah dal dhul ahaan la eg gobolka Texas. Waxa uu xusay in dowladda ay dhowaan meel-marisay sharciga batroolka dalka, taasi oo bog cusub u ah taariikhda dalka.

Waxa uu sheegay in sharciga uu dejinayo xeerarka maaliyadeed ee dowladda u ogolaanaya inay ugu dambeyn sahmiso shidaalka iyo gaaska loo maleynayo inuu ku jiro xeebaha Soomaaliya.

“Gobolka Texas waxa uu caddeyn u yahay sida saliidda ay u maal-gelin karto adeegayada aas-aasiga ah. Waxa maanta ka socda Houston, sida shaqooyinka, waxbarashada iyo kaabayaasha waa natiijada saliida.” Ayuu yiri.

Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Soomaaliya ay billaabeyso safar muhiim u ah inay joogteyso horumar islamarkaana yareyso saboolnimada.

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay noqon karto mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan Bariga Afrika ee shidaalka soo saara.

“Haddii 30-ka bilyan ee barmiil ee shidaal oo la tuunsan yahay inay ku jiraan xeebaheena ay run noqoto, tani waxay gebi ahaan beddeli doontaa dalkeena.” Ayuu qoray.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku dayan doonto tallaabooyinkii Texas, si ay u maareyso kheyraadkeeda.

Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa xusay in shirkadaha ku guuleystay inay soo helaan shidaalka laga saxiixi doono heshiis wadaag oo dhigaya mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta deegaanka, islamarkaana ku qasbaya inay qaadaan tallaabooyin yareynaya saameynta shaqadooda.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale dhigi doona xeerarka maaliyadda ee labada dhinac, sida uu yiri.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Shirkadda Saliidda Qaranka Soomaaliya (Somali National Oil Company) ay lahaan doonto 20% qandaraas kasta oo dowladda ay bixiso.

“Texas waxay ka faa’iideysatay fursaddii ay heshay horaantii qarniga 20-aad si ay u dhisto gobol sidan u horumarsan maanta. Dalkeena wuxuu haystaa fursad mar la-arag ah oo leh dhammaad farxadeed – Dowladdeena waa inaysan iska khasaarin.” Ayuu wasiirka kusoo geba gebeeyey qoraalkiisa.

FG: Caasimada Online masoo wada tarjumin faalladii wasiirka, balse waxaan kasoo qaadanay nuxurka.