Xildhibaankii laga saaray xisbiga Himilo Qaran oo caddeeyey mowqifkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed Maalin oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii Himilo Qaran ee looga joojiyey xubninadii xisbigaasi.

Xildhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo tallaabadaasi, wuxuuna tilmaamay in ay isku ku aragti ka noqon waayeen arrimo masiiri ah xubnaha qaar ee xisbiga iyo isaga, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in xukuumadda Soomaaliya ay isku aragti ka noqdeen arrimaha Galmudug, si loo dhiso maamul loo dhan yahay.

Ugu dambeyn wuxuu markale ku celiyey in ciidamo Itoobiyaan ah aan la geyn gudaha magaalada Dhuusamareeb, isagoo sheegay in cadeyn loo baahan yahay.

Halkan hoose ka aqriso:

Xubnaha Xisbiga qaarkood waxaan aad ugu kala aragti duwanaanay isku day ay wadaan siyaasiyiinta qaarkood oo ah in colaado laga huriyo deegaanka aan anigu matalo ee Dhuusamareeb, iyo guud ahaan Galmudug, si fowdadaas looga dhex raadiyo dana siyaasadeed oo aan u arkayay in aysan deegaanka dani ugu jirin.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaan isku aragti ka noqonay arrimaha ku saabsan dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka shaqeynteedu ay tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan ku matalo dadka iyo deegaanka Galmudug taas ayaana keentay in xubnaha qaar ay u cuntamiwaysay

Majiro ciidan itoobiyaan ah oo aan kan AMISOM ahayn oo dhuusamareeb jooga, laakiin waxaan rabaa in aan caddeeyo Marnaba in aanan raalli ka noqonaynin, in Ciidan Itoobiyaan ah iyo mid kale toona ay farageliyaan nidaamka doorashada ee Galmudug, sidoo kalana lama aqbali karo in buunbuunis iyo been abuur lagu dhaawaco hannaanka dib u heshiisiin iyo doorasho ee galmudug

Qofka awoodi waayay in uu ka tarjumo baahida deegaanada kala duwan ee dalka ma filaayo in uu awoodi karo hugaaminta guud ee dalka iyo dadka soomaaliyeed.