Warbixintii Caasimada Online oo sababtay tallaabo deg deg ah oo ay qaadday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa shalay subax daabacday daabacday in wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay joojisay bixinta shahaadada ardayda sanadkaan ka qalin jebiyay dugsiyada Sare kadib markii ay awoodi weysay daabacadda shahaadooyinka, islamarkaana ardaydii laga soo eryay Jaamacadihii ay dhaganayeen.

Qaar kamid ah Ardaydii laga soo eryay Jaamacadaha ee waayay shahaadadii ay xaqa u lahaayeen oo xalay la soo xariiray Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in Jaamacadaha lagala hadlay oo loo fasaxay daraasadooda.

“Sabtidii ayaa jaamacadda nagala soo eryay kadib markii aan idin soo wacnay ee aad shalay subax baahiseen xogteena, warbaahinta kalane ay qaateen waxaa isla maalinkii noola fasaxay daraasadda Jaamacadda waxaana la soo hadashay Wasaaradda” ayuu yiri arday kamid ah dadkii dib ugu laabtay Jaamacadda.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya masuuliyiin ka tirsan ayaa xaqiijiyay in aysan awoodin daabacadda Shahaadooyinkii Ardayda laakiin ay wado dadaalo arintaasi ku saabsan kadib markii ay awoodi weysay shirkadii daabacadda Shahaadooyinka sida ay hadalka u dhigeen.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore wax uga qabatay warbixino badan oo sidaan oo kale loogu daabacay bogga Caasimada Online oo aad uga hadla xaaladd dalka, sida warbixinadii dhibka ka jira xarunta CID, iyo baylahnaanta amniga xarunta degmada Kaaraan.