Qaraxii Hotel Shamow oo 10 sano ay kasoo wareegtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta oo kale (3-da December) waa maalin Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho iyo umadda Soomaaliyeedba u ah maalin xusuus murugo leh xambaarsan.

3-dii December ee 2009, ayaa munaasabad qalinjibin ah oo ay ku sugnaayeen arday ka qalin jebinaysay jaamacadda Banaadir, macallimiinta jaamacadda, waalidiin iyo xubno ka socdey dowladii markaas jirtey, oo ka dhaceysay hotelka Shaamow ee Muqdisho, waxaa lala beegsaday qarax.

Intii ay socotay Munaasabadda, gaar ahaan xilligii uu khudbada jeedinayay Prof. Cusmaan Dufle oo ka mid ahaa Maamulka Jaamacadda ayaa mar kaliya waxaa dhacay qarax ismiidaamin ah.

Goobta ayaa hal mar isku bedeshay dhiig, burbur iyo qeylo, waxaana qofka xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay halka ay fadhiyeen Wasiirada oo uu bartilmaameedkiisa ahaa.

Dadka maalintaasi dhintay waxaa ka mid ahaa, suxufiyiin, arday, waalidiin, wasiirkii caafimaadka Khamar Aadan Cali , Wasiirka tacliinta sare Ibrahim Xasan Caddow, wasiirkii waxbarashada Axmed Cabdulaahi Waayeel, iyo dhaqaatiir caan ah sida Professor Maxamed Aadan oo loo yaqiin Dr. Shahiid.

Dad u badnaa ardaydii qalin jebinaysay iyo waalidiin ayaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray.

Waxaa uu ahaa qarax ay ku hoobteen Wasiiradii ugu muhiimsanaa ee qaabilsanaa arrimaha bulshada dowladdii KMG ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed

Senator Pro Osman Mohammud Dufle oo ka mid ahaa aasaasayaashii Jaamacada banaadir, islamarkaana ka mid ahaa dadkii ka badbaaday ayaa waxaa uu ka sheekeynayaa maalintaasi wixii ka dhacay Hotel shaamow.