Waare oo xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah wasiiradiisa

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, isagoo magacaabay kuwo kale.

Wareegto ka soo baxday xaafiiska Madaxweyne Waare ayaa xilkii looga qaaday wasiirradii warfaafinta iyo amniga ee dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, iyadoo isla wareegtada lagu magacaabay labo wasiir iyo labo wasiiru-dowle.

Wasiirka amniga gudaha Hir-Shabeelle ayuu u magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo sidoo kalena ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle.

Wasiirka warfaafinta hidaha iyo dhaqanka Hir-Shabeelle ayuu Waare u magacaabay Maxamed Cabraxmaan Maxamed.

Sidoo kale wareegtada ka soo baxday xaafiiska Waare ayaa lagu magacaabay labo wasiiru-dowle oo kala ah, Abuukar Macalin Rashiid wasiiru dowlaha hubka dhigista iyo dhaqan celinta, iyo Cabdirisaaq Aadan Geedi oo loo magacaabay wasiiru dowlaha qorsheynta iyo iskaashiga caalamig ah.

Xil ka qaadistan iyo magaxcaabistan uu sameeyay Madaxweyne Waare ayaa ku soo aadeysa iyadoo maanta mudo kadib uu dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar oo xarun u ah maamulka Hir-Shabeelle.

Halkaan ka akhriso: