SSC-Khaatumo oo shuruudo hor leh ku xirtay sii daynta maxaabista Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa markii u horeysay shaaciyay shuruudo uu ku xiray sii daynta maxaabiista ciidamada Somaliland ee lagu hayo Laascaanood.

Maxaabiista Somaliland ayaa SSC-Khaatumo u gacan galay intii uu socday xoogga dagaalka gobolka Sool, kaasi oo markii dambe dib loogu riixay ciidamada Somaliland.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ee gacanta ku hayaan ay ku sii deyn karaan uun marka la gaaro heshiis nabadeed buuxa.

Sidoo kale waxa uu xusay in sii deynta maxaabiista dagaal ee Somaliland ay qeyb ka tahay in Somaliland ay joojiso wax uu ugu yeeray “daan-daansiga ay ku doonayso inay kusoo duusho deegaannada SSC”.

“Inta uu Muuse Biixi leeyahay waan soo dagaalamayaa, waan is dilaynaa, maxaabiis baan kaa qabsanayaa, adiguna iga qabso, sii dayntu markaas wax dhan-dhan ah sameyn mayso,” ayuu yiri Hoggaamiye Firdhiye.

Sidoo kale waxa uu sheegay in SSC-Khaatumo ay gacanta ku hayso illaa 292 maxbuus oo ay ka qabteen ciidamada Somaliland ee dagaalka kula jira kuwa dadka deegaanka.

Maxaabiistan ayuu sheegay inay ku xiran yihiin laba xabsi oo ku yaalla magaalada Laascaanood, ayna halkaas ku haystaan daryeel joogto ah, sida uu hadalka u dhigay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

“Hal maxbuus oo kamid ah maxaabiista ayaa u geeriyooday dhaawicii soo gaaray, halka laba kale oo qabay dhawaacyo culus lagu wareejiyay qoysaskooda, iyada oo loo marayo ICRC,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Somaliland ayaa dagaalka Sool looga adkaaday, iyada oo laga qabsaday saldhigga Gooja-cadde. Wixii markaas ka dambeeyay waxay wadday abaabul dagaal, iyada oo ciidamo soo dhoobtay aagga.

Si kastaba, Somaliland ayaa horay ugu eedeysay SSC-Khaatumo in si arxan darro ah ula dhaqantay maxaabiista gacanta ku hayaan, halka taasi bedelkeeda ay SSC sheegtay in maxaabiistaas si wanaagsan loola dhaqmo, iyada oo u ogolaatay inay booqato hay’adda ICRC.