Ciidamo gadoodsan oo xirtay wadada madaxtooyada Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa Madaxtooyada maamulka ay isbaaro dhigteen wadada laamiga ah ee gasha madaxtooyada.

Waddadan ay xirteen ciidankan gadoodsan ayaa mid muhiim ah oo sidoo kale ay ku yaallaan xarumo dowladeed iyo hoteello waaweyn.

Ciidamadan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa u diiday gaadiidka dadweynaha iyo kuwa maamulka inay isticmaalaan wadadan, iyaga oo sheegay in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah.

Madaxweyne Deni ayey ku eedeyeen inuu mushaarkooda u isticmaalay ololaha doorashada, waxayna sheegeen in aysan arrintaas u dulqaadanayn.

Dhacdadan ayaa waxaa ku baxay saraakiil ka tirsan ciidamada, iyaga oo ku howlan sidii saraakiisha iyo ciidamada gadoodsan loogu qancin lahaa inay furaan wadada muhiimka ah ee ay xirteen, inkasta oo markii hore ay ku gacan sayreen saraakiil madaxtooyada ka socotay oo isku dayday inay ku qanciyaan in la xallinayo cabashadooda.

Dhacdadan ayaa imaneysa maalmo un kadib markii ciidamo maleeshiyaad ah u diideen inay garoonka Garoowe kasoo degto diyaaradda Qaadka keenta magaalada, iyaga oo ka cabanayeen in maamulku cid gaar ah u xiray soo dajinta qaadka loo yaqaano Miirooga ee ka yimaada Kenya.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli Puntland ay aadeyso doorasho uu muran badan hareeyay, uuna markale xilka madaxweynaha u tartamayo Saciid Deni, oo xilligaan lagu dhaliilayo in uu ku fashilmay bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowliga ah iyo ciidamada, oo aan wax xuquuq ah helin dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.