Xog: Kulankii Xasan, guddoonka BF iyo mucaaradka oo sabab yaab leh u baaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baaqday kulan dhex-mari lahaa madaxweyne Xasan Sheekh, guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kulanka ayaa ka dhashay kulamo isdaba jooga ah oo maalmihii u dambeeyay u socday madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ahaa xubnihii ugu cad-cadaa Midowgii Musharaxiintii hore.

Si rasmi ah weli looma shaacin sababta keentay in uu kulanka baaqdo, laakiin illo ku dhow-dhow xubnaha mucaaradka ah ayaa sheegaya in kulanka loo baajiyay cudur daar ka yimid dhanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Hase yeeshe warar kale ayaa sheegaya inuu kulanka u baaqday cadaadis Madaxweyne Xasan Sheekh kaga yimid qaar ka mid ah Madaxda dowlad-goboleedyada iyo Xisbiga Madaxweynaha oo kulanka ku tilmaamay shirqool marqaati gelin dadban ah.

Maalin kahor ayay aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta kala ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdiqaadir Cosoble Cali ay ku kulmeen Muqdisho.

Dhinacyada ayaa markaas isla qaatay in ay la kulmaan guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo qorshuhu ahaa in sidoo kale lala wadaago sida ugu haboon ee loo jiheyn karo arrimaha dastuurka.

Balse kulankaan ayaa baaqday, xilli dhinacyada isla qaateen in la sii wado doodaha oo sidoo kale lagu soo biiriyo siyaasiyiinta kale.