SSC oo go’aan culus ka qaadatay doorashada Puntland

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamd ah Isimada Dhaqanka SSC-Khaatuma oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaas iyo arrimo ku saabsan doorashooyinka maamulka Puntland.

Garaadka ayaa ugu horreyn meesha ka saaray walaaca ay dadka SSC ka qabaan doorashada Puntland, maadaama ay haatan yeesheen maamul madax bannaan.

Waxa uu tilmaamay in qadddiyadda SSC-Khaatuma aysan marnaba gorgortan ka gali doonin, isla markaana aysan aqbali doonin in meel kale looga taliyo dadkeeda.

Sidoo lale waxa uu intaasi ku daray in halganka loo galay SSC ee ka billowday magaalada Laascaanood ay ku dhinteen dad gaaray illaa 700 oo qof, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadkani maamul buu leeyahay go’aan buu gaaray. Maamulkaasi meel cad buu yaallaa. Meel lagasoo cesho ma ay jirto. 700 qof oo rag iyo dumar leh ayaa u shahiiday in aan dadkaan cid dambe u talinin,’ sidaasi waxaa yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.”

Garaadka oo hadalkiisa sii wata ayaa beeniyay inay jiraan dad doonay in xildhibaano kasoo jeeda SSC ay ku metalaan maamul goboleedka Puntland, maadaama doorasho la galayo.

Arrintan ayaa meesha ka saareysa warar muddooyinkii u dambeeyay soo baxayay oo sheegayay in Garaadada SSC ay doonayaan inay saxiixaan 17-ka xildhibaan ee beesha Dhulbahante ku lahayd Puntland.

Sidoo kale go’aankan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Puntland ay ka socota xulista xildhibaanada cusub oo diiwaangelintooda uu bilaabay guddiga xallinta khilaafaadka.

Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, taas oo uu uga sii daray khilaafka ka dhashay muranka hareeyay doorashada maamulkaasi.