SSC oo war culus kasoo saartay dagaalkii maanta

Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo ayaa ka hadashay dagaalka saaka dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

War-saxaafadeed kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada deegaanka ay iska caabiyeen laba weerar oo ciidamada Somaliland ay kusoo qaadeen deegaanka Dhabansaar ee duleedka Tuulo-Samakaab iyo bariga magaalada Laascaanood.

“Waxaa barqanimadii maanta Ciidamada malayshiyada Somaliland ay labo weerar ku soo qaadeen deegaanka Dhabansaar ee duleedka Tuulo-Samakaab iyo bariga magaalada Laascaanood, iyaga oo dharbaaxo iskacaabbin ah oo kulul kala kulmay Ciidamada xaq-u-dirirka ah ee difaaca shacabka SSC.”

SSC ayaa sidoo kale waxay sheegtay in maalmihii dambe ay Somaliland qorsheynayso ka daba-taga shacabkii hore uga qaxay madaafiicda ay ku garaacayaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay.

“Dhinaca Dhabansaar, maalmihii ugu dambeeyey Malayshiyada Somaliland waxay ku aruurinayeen ciidamo qorshohoodu ahaa in ay kaga dabotagaan shacabkii hore uga qaxay madaafiicda ay ku garaacayaan magaalada Laascaanood.”

“Iyada oo uu dagaalka ay isku difaacayaan shacabka deegaanku uu weli ka socdo duleedka Samakaab, waxaana jab xooggan halkaas lagu gaarsiiyey ciidamada malayshiyada Somaliland,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka SSC.

SSC ayaa ugu dambeyntiina sheegtay in shacabka deegaanka SSC ay wacad ku mareen inay dalkooda ka sifeeyaan maleeshiyada duulaanka ku ah, oo ula jeedo ciidamada Somaliland.

“Dhinaca duleedka bariga Laascaanood ayaa waxaa ka socda dagaal ka dib markii ay weerar soo qaadeen malayshiyada Somaliland, ciidamada shacabka deegaanka ayaa weerarka caabbiyey welina dagaal qadhaadh ayaa aagaa ka socda.”

Dagaalkan saaka dib uga qarxay xarunta gobolka Sool ayaa imanaya xilli muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastq oo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.