Daawo: Hooyo afar carruur oo mataano ah ku dhashay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Farxiyo Xuseen Cali ayaa xalay afar carruur ah oo mataano ah ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Mataanahaan oo Hooyo Farxiyo ay ku dhashay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa dhammaantooda wada ah gabdho, waxayna dhasheen iyaga oo caafimaad qaba.

Hooyo Farxiyo ayaa iyaduna si lamid ah caafimaad qabta. Hooyadan ayaa la sheegay inay deganeyd deegaanka Oodweyne oo ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Waxay todobado sano ka hor ka timid gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Jalalaqsi, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir Fartuun Shariif Maxamed.

Agaasimaha oo bulshada la wadaagay xogta Hooyada iyo caruurteeda ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsatay in la garab istaago carruurta iyo waalidkooda.

Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) oo booqday ayaa sidoo kale warbixin ka diyaariyay Hooyo Farxiyo iyo Mataanahaan ay xalay ku dhashay Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir, iyada oo halkaas uu kula hadlay aabaha dhalay carruurtan.

“Ilaahay ayaa nagu deeqay, isbitaalkana aad buu noo caawiyay. Isbitaalka toban habeen ayaa ku jirnay, Hooyaddana waa fiican tahay xaaladeeda caafimaad,” ayuu yiri Yaxye Shire oo ah aabaha dhalay mataanahaan ku dhashay Isbitaalka Banaadir.

Sidaan oo kale dhammaadka bishii March ee isla sanadkaan ayey ahayd markii sidaan oo kale Hooyo Maryan Maxamed Xasan ay ku dhashay afar carruur ah Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Hooyo Maryan oo aheyd 38 sano jir, ayaa markaas ka timid miyiga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyada oo xilligaasi maamulka isbitaalka iyo wasiirka caafimaadka oo booqday markaas ay xaqiijiyeen in markii ugu horeysay ay arkeen kiis noocaan ah.

Hoos ka daawo muuqaalka