Xasan oo magacaabay la-taliyaha xakameynta hubka sharci-darrada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magacaabay La-taliyaha cusub ee dhanka Xakameynta Qul-qulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xilkaan u magacaabay Marwo Mako Maxamuud Muuse, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha, oo lagu baahiyay bogga Villa Somalia.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu tilmaamay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorshaha Qaran ee dalkeenna lagaga dulqaadayo cuna-qabateynta hubka ee saaraan, maadama ay muhiim tahay in la xaqiijiyo in hubka aanu galayn gacan aan ahayn tan sharciga iyo dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey La-taliyaha cusub ee xakameynta qul-qulka hubka sharci darrada ah Marwo Mako Maxamuud Xuseen inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegto Qaranka.

Magacaabistan ayaa imaneysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay taageero horleh u heshay qaadista cuna-qabateynta hubka ee saaran, kadib shir-madaxeedkii daba-yaaqadda bishii hore ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaasi oo ay ka qeyb-galeen madaxda dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay shirkaas ayaa waxaa lagu taageeray qorshaheeda qaadista cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobey, iyada oo madaxda ka qeyb-gashay shirkaas ay dalbadeen in la qaado cuna-qabateynta hubka, islamarkaana la dhaqan-geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.

Madaxda waddamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu tix-geliyo in Soomaaliya laga qaado cuna-qabaeaynta hubka, si waddanku uu awood ugu helo qaadista mas’uuliyaddiisa amni.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan galineysa sidii looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka ee saaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore usheegay in cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada, xilli uu dalka ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.