Xog: Muuse Biixi oo ku wajahan duleedka Laascaanood kadib markii uu si qarsoodi ah ku tegay…

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa safar aan hore loo sii shaacin ku tegay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa la sheegay inuu qorsheynayo in halkaasi uga sii gudbo gobolka Sool, gaar ahaan saldhiga Goojacadde ee ku yaalla duleedka magaalada Laascaanood iyo taliska ciidamada Somaliland ee Oog, xilli uu gobolkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Xogaha aan helayno ayaa intaas kusii daraya in madaxweynaha Somaliland inta uu ku sugan yahay Burco uu ka shaqeynayo xal u helida shaqaaqo beeleed ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Togdheer.

Socdaalka Muuse Biixi ayaa waxa uu kusoo beegmaya xilli uu saaka dagaal culus uu dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Ciidamada Somaliland ee saldhigooda ugu weyn uu yahay Goojacadde ayaa doonaya inay wadadda dheer ee marinka u ah ka dheereyso ciidanka SSC ee halkaas u dhowaaday, maadama uu yahay jid muhiim ah oo ay u marto sahayda iyo gurmadka, kuna xira magaalooyinka Somaliland.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dagaalkan barbar socotay duqeyn xoogan, taasi oo uga sii dareysa xaaladda adag ee haatan ka taagan aagga lagu dagaalamayo ee Laascaanood.

Dagaalka Somaliland iyo SSC ayaa qaatay in ka badan afar bilood, ayada oo uu ka dhashay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayada oo burbur horleh uu soo gaaray magaalada, islamarkaana dadkii deganaa ay badankooda ka barakaceen magaalada.

Si kastaba, Socdaalka madaxweyne Biixi ee ku wajahan magaalada Oog ee gobolka Sool oo ku dhow saldhiga Goojacadde, ayaa kusoo beegmaya xilli ay Somaliland dhawaan xuseyso gooni isu-taageeda ay ku dooddo ee maalinta 18-ka May.