Tirada dadka ku dhintay Beledweyne oo kordhay kadib markii…

Beledweyne (Caasimda Online) – Warbixin dheer oo ay soo saartay hay’adda arrimaha bani’aadanimada UNOCHA ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay xaaladda adag ee ka taagan  gudaha magaalada Beledweyne, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabelle.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in fatahaadda ay sababeen roobab mahiigaan oo todobaadkii lasoo dhaafay ka da’ay Beledweye, taas oo dhalisay khasaare xoogan.

UNOCHA waxa ay xaqiijisay in Beledweyne ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 22 qof, kadib waxyeelo kasoo gaartay daadadka iyo biyaha qaaday xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay burbureen guryo badan oo ay daganaayeen dad shacab ah, taas oo keentay inay barakacaan in ka badan 200 oo kun oo qoys.

Warbixinta UNOCHA ayaa sidoo kale lagu xusay in xaafadaha iyo waddooyinka magaalada Beledweyne ay qariyeen biyo, taasi oo saameyn ku yeelatay dad lagu qiyaasay 460,470 qof, kuwaas oo ku dhawaad 219,000 ka mid ahna ay isaga carareen guryihii ay ka deganaayeen Magaalada Baladweyne.

Dhanka kale waxa ay hay’addu tilmaamtay in fatahaadda sidoo kale ay baabi’isay dagalyo kala duwan ii beernaa dhul beeree ku yaalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Xaaladda Beledwene ayaa weli cakiran, waxaana hakad galay ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo isku socodka, maadaama ay biyo ay go’doomiyeen magaaladaasi.

Waxaa sidoo kale xaalad adag wajahaya qoysaska haatan ka barakacay Beledweyne, kuwaas oo aan heysan hoy, wax ay cabaan iyo wax ay cunaan intaba.

Fatahaaddaan ayaa soo laa laabta, waxayna sanad kastaa ay saameyn ku yeelataa nolosha qosaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada maamul goboleedka HirShabelle.